Home | Warar | Soomaaliya oo xilligii KMG-ka ahaa ka baxday, xubno cusub oo baarlamaan oo la dhaariyey iyo Guddoonka KMG ah.

Soomaaliya oo xilligii KMG-ka ahaa ka baxday, xubno cusub oo baarlamaan oo la dhaariyey iyo Guddoonka KMG ah.

image Kulankii dhaarinta

Baarlamaanka Soomaaliya oo laga sugayo shuruudo cad 'Musharrax Madaxweyne'.

Maalintii lagu muddeysnaa in xilliga kala-guurka iyo KMG-ku ay dhamaadaan waa 20-ka Aqoosto (shalay) waxaana Soomaaliya ka dhacay isbeddel bilow ah, oo tan ugu horreysa ay ahayd in uu fariistay kulankii ugu horreeyey Baarlamaan, aan shacbigu soo dooran, ayna soo xuleen Oday-dhaqameedyada beeluhu, guddiga Farsamaduna la hubiyey.

Dhammaan dadkii jabhadaha hubeysan madaxda ka soo noqday, hoggaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya Golaha cusub ee Baarlamaanka waa ka maqan yihiin, waxaana lagu guuleystay in aan midkooda madal Baarlamaan Soomaaliyeed soo dhex fariisan. Laakiin Baarlamaankan cusub waxaa dhex fadhiya xubno ay ku oogan tahay tuuganimo, uuna ugu horreeyo Shariif Xasan Sheekh Aden (Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka). Wuxuu weliba u sharraxan yahay in uu Soomaaliya madax u noqdo!

In Baarlamaanka Soomaaliya ay soo dhex fadhiyaan xubno ilaa heer Qaramada Midoobay iyo Bankiga Adduunka, ay warbixinntooda ku soo baxday tuuganimadoodu. Jiritaanka ay xubno caynkaas ahi ku jiraan, run ahaan waxay cambbaar ku tahay Baarlamaanka shalay la dhaariyey, kaas oo hadda ku howllan in uu doorto Guddoonkiisii, ka dibna u gudbo qabanqaabinta doorasho Madaxweyne. Hase ahaatee waxaa jirta su’aal muhiim ah oo hortaal Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta fadhiya.

Su’aashaasi waxay tahay, haddii liiskii xubin Baarlamaan laga reebay in uu noqdo qof hoggaamiye Kooxeed soo noqday, shuruudihiina uu sidaas ku buuxin waayey; sidee shuruudaha musharrax Madaxweyne ku buuxin karaa qof ay ku oogan tahay in uu tuug yahay, sida ku cad warbixintii Qaramada Midoobay iyo tii Bankiga Adduunka?

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamanka Gen Muuse Xasan Cabdulle Xasan iyo Xildhibaanada la dhaariyey ee ummadda Soomaaliyeed xilkeedii iyagu maanta ugu sarreeya, waxaa la gudboon in ay shuruudo adag soo bandhigaan, oo marka horeba aan la aqbalin qof aan la marsiin shuruudahaas, sida:-

1- In uusan dagaalladii abaabulnaa ee Soomaaliya ka soo qayb-qaadan,

2- In ayan ku oognayn fadeexad qaran (tuuganimo ugu weyn tahay),

3- In uusan ahayn qof dhaqan kala qaybin leh, laaluush bixin ama qaadasho adeegsada,

4- In uusan ahayn qof ay duran tahay waddaniyaddiisa iyo dal jacaylkiisu,

5-In ayan hoosayn aqoontiisa akadeemigga ah, waayo-aranimadiisa iyo kartidiisa qofeed.

6- Iyo ugu dambeys, in aan lacag la kala qaatay aan lagu imaan karin hoggaanka 'Madaxweynaha' dalka.

 'Ili run bay ku ooydaaye' - Shuruudo cad oo qofkii gudba oo keli ahi musharrax noqon karo waa in Kal-fadhiga baarlamaanka laga ansixiyo, lana gaarsiiyo dhammaan dadka doonaya in ay isku soo sharraxaan tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Haddii Baarlamaanku sidaas u amba-qaado xilkiisa, Soomaaliya xilliga kala guurka waxay uga guurtay isbeddel, waana in wax 'substance' lehi ay dhacaan, siiba doorashada hoggaanka dalka.

Wargeyska Kasmo, London 

 
  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text