Mo Farah ku guuleystay Billad 2aad ee Dahab ah, waana Legend taariikhda cayaaraha Olymbigga
Orodyahan Maxamed Faarax (Mo Farah) ayaa maalintii 15aad ee cayaraha London 2012 wuxuu gaaray guul taariikhi ah, markii uu billad 2aad ee dahab ah ku guuleystay tartanka orodka 5-kun oo mitir, isagaa hore Billad Dahab ah ugu soo guuleystay orodada 10,000 mitir.
Dalka UK si weyn ayaa guusha Mo Farah looga dabaaldegay, waxaana ka hadlay Prime Minster David Cameron oo Mo Farah ku tilmaamay in uu yahay Legend. Waxaa kaloo guusha Mo Farah si weyn looga soo dhoweeyey dalka Soomaaliya oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, macnihii Mo Farah waa Somali British ah. Waxaa kaloo guusha Maxamed Faarax si weyn ugu diirsday Soomaalida UK, oo Soomaali ahaan iyo British ahaamba ugu dabaaldegay.
Mo Farah wuxuu noqonayaa qofkii 6aad oo taariikhda Cayaaraha Olymbigga gaara heerkaas.
Hambalyo Mo Farah
Kasmo Online, London




