Maalin kaloo Farmaajo soo degay iyo dil kale!
Maalin kaloo Farmaajo soo degay iyo dil kale!
Maanta oo bisha Aqoosto tahay 9, 2012, Ra’iisal Wasaarihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka soo degay Aden Cadde International Airport iyadoo si weyn loo soo dhoweeyey.
Kumanaan qof oo taageerayaashiisa ah ayaa is-xireen waddooyinka Muqdisho ilaa Gegida Diyaaradaha, iyagoo calamo, caleemo qoyan iyo sawirada Farmaajo ruxayey, waxayna aakhrkii ku soo dhamaadeen, oo isugu yimaadeen Barxadda Taalada Sayidka ee ka soo horjeeda Guriga Ummadda.
Taageeroyaal la dilay iyo Taalada Sayidka
Sida ay xaqiijinayaan goobjoogayaashu, dadkii halkaas isugu yimid oo fagaaraha u soo buuxiyey in ay taageeraan musharaxnimada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxay la kulmeen weerar. Waxaa laga dilay ugu yaraan laba qof, waxaana jira dhaawac door ah.
Yaa laayey taageeroyaasha Farmaajo?
Sida dhacdadu u dhacday, fartu waxay ku godan tahay dhinaca Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Waxaa goobta yimid baabuur kuwa raaxada ah oo ay dhinacyada kaga dhegsan yihiin sawirada Sheekh Shariif, kaas oo rasaas ku furay dadkii isugu soo baxay taageerada Farmaajo. Falka halkaas ka dhacay weli wax war ah Dawladdu kama soo saarin, in la qabto gacan-ku-dhiiglayaashiina lama sugayo.
Taalada Sayidka, dil iyo banaabax hore
Dhacdadan maanta lagu laayey banaabaxayaasha waxay dib inoo soo xusuusinaysaa dilkii Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax, Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Ammniga Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Farmaajo.
Waxay ahayd 9kii Juun 2011, waxaana Gegida Diyaaradaha ka soo degay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sida maalintaas la xusuusto, waddooyinka Muqdisho oo idil waxaa buuxiyey hirar dadweynye ah oo sitay sawirada Farmojo oo ka soo noqday magaalada Kampala, halkaas oo lagu soo go’aamiyey in xilka laga qaado.
Mudaaharaadyo looga soo horjeedo xilka qaadistaas ayaa dadku dhigayeen, waxaana jirtay in il-qoonsimaad lagu eegayey go’aankaas iyo cidda ka dambeysa oo Sheekh Shariif ku jiray.
Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu ahaa masuuliyiinta sida muuqata u diiddanaa go’aankaas, wuxuuna dadweyne kacdoonsanaa kula hadlay fagaaraha Taalada Sayidka.
Markii uu ka soo noqday banaanbaxaas oo uu gurigiisii yimid, Cabdishakuur meyd ayuu ahaa, waa la dilay, wxaana la faafiyey in ay dishay gabar guriga ku noolayd oo uu abti u ahaa!
Ma aynu hubno xiriirka ka dhexeeya dilka maanta ka dhacay fagaaraha Sayidka ee taageeroyaasha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu fuliyey iyo kii lagu dilay Waasiirkiisii Arrimaha Gudaha iyo Amninga Qaranka oo la dilay markii uu ka soo noqday banaabanbixii taageerada Farmaajo isna ka dhacay Taalada Sayidka.
Hubaal, haddii Boolis wax baara oo madaxbanaan jiri lahaa, labadaas dhacdo waa isku xiri kari lahaayeen. Waxay kaloo isku xirir lahaayeen dilkii Qaraxii dadka badani ku dhinteen ee Tiyaatarka Qaranka lagu fuliyey iyo qaraxii Wasiirada badan iyo taakhaatiirtii qalin jebinaysay ee Hoteela Shamo lagu gumaaday, 3dii December 2009.
Dhacdooyinkaas oo idil, weligeed cid looma qaban, warbixinna dawladdu kama soo saarin. Sidaas darteed, tuhunka in Madaxtooyada ayan saafi ka ahayn masuuliyintaas la khaarajiyey waa bixi la’ yahay, kan maanta dhacayna kuwii hore ayuu ku soo kordhay!.
C/qaadir Shire, London




