Home | Warar | Golaha Ammaanka masuuliyad baa ka saaran dalka Soomaaliya iyo shacbigiisa

Golaha Ammaanka masuuliyad baa ka saaran dalka Soomaaliya iyo shacbigiisa

image Kartuun ceebeed

Golaha Ammaanka masuuliyad baa ka saaran dalka Soomaaliya iyo shacbigiisa

Weli  Oday-dhaqameedkii Soomaalidu wuxuu ku maqan yahay soo xuliddii Xildhibaanada 275 xubnood. Qaarkood oo magacyo xildhibaan soo gudbiyeyna, waxaa ka daba imaanaya saluugmo beelo laga tegay, ama xubno la iibsaday!

Guddiga Farsamo ee soo xulidda Baarlamaanka oo iyagu waxa Oday-dhaqameedyadu soo xulaan ka daba hubinayey, laftoodii ayaa loo cabsaday, waxaana amaankooda iyo daryeelkooda la wareegay UNPOS iyo AMISOM, sida lagu xusay qoraalkii shir Saxiixayaasha ugu soo dhamaaday Nairobi, 6dii Aqoosto.

Shirkaas Lixda Saxiixe, waxa isaga baxay Sheekh Shariif, 5tii Aqoosto. bixitaankaas oo salka ku hayey welwel la xiriira waxa uu mudan karo 20ka Aqoosto, waxaana u muuqatay in aan sidan saxiixayaal lagu wada ahaan karin, wuxuuna boorka ka jafay ololihiisa Musharaxnnimo markii uu dib ugu noqday Muqdisho.

Dhammaan masuuliyiinta xilka waqtigoodu dhamaanyo, Madaxweynaha Dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aden, Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Gaas, waxay iyagoon kala harin isu soo sharaxeen Jagada Madaxweyne!.

Isla markaas waqtiga ay ku dhawaaqayaan musharaxnimada Madaxweyne, dhamantood waxay ku jiraan warbixinta fadeexada weyn xambbaarsan ee dhowaan Golaha Ammaanka loo gudbiyey.

Tartanka ay saddexdaas masuul isku soo sharaxayaan hoggaanka dalka Soomaaliya, iyadoon arrinta warbixintaasi dhinac u dhicin, waxay muujinaysaa sida ay xag mooraal uga arradan yihiin, waxayna  ihaano ku tahay dadweynaha Soomaaliyeed in ay isku soo sharaxaan madaxtinimo dad ay ku foorarto eedeyn heerkaas ah.

Xattaa haddii ayan jirin oo run ahayn waxa warbixintaas ku qoran oo masuuliyiintaan ku saabsan, haddana inta ay kala caddaanayso arrinta warbixintaasi, qof iyaga ka mid ah oo madaxtinimada Soomaaliya isku soo sharaxaya, waxay ka dhigan tahay masuuliyad darro iyo meel ka dhac loo geysanayo shacbiga iyo dalka Soomaaliya.

Ikhyaartaas, inta ayan ololayaasha lacagta badani ku baxayso abaabulin, waa in ay meel saaraan eedda halista ah,  eedda aan ka dhicin gumaadka (Genocide) ee warbixinta kooxda Monitoring Group ku soo baxday.

Beesha caalamku waa in ay shacbiga Soomaaliyeed u hiilliyaan in ayan hoggaankooda u imaan dad tuuganimo heerkaas ahi ku ogaan tahay!

Golaha Ammaanka masuuliyad baa ka saaran dalka Soomaaliya.

C/qaadir Shire Faarax

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text