Sheekh Shariif oo isaga baxay shir Lixda saxiixayaasha Roadmapka uga socday Nairobi
War Degdeg ah: Sheekh Shariif oo ka baxay shirkii Roadmapka ee Nairobi
War naga soo gaaraya magaalada Nairobi waxay xaqiijinayaan in Madaxweynaha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu isaga baxay shir halkaas uga socda kooxda lagu magacaabo Saxiixayaasha Roadmapka.
Sheekh Shariif wuxuu shirka uga baxay weli isagu wax war ah kama soo saarin, waxaana uu isla maanta gaaray magaalada Muqdisho, isagoo uu la socdo Cabdulqaadir Macalin Nuur oo ka tirsan ururka Ehelu Sunna, waxaana la soo werinayaa in Saxiixayaasha Roadmapka ay iyagu shirkoodii sii wataan.
Wixii warar oo dheeraad ah, bixitaanka Sheekh Shariif, wararka dambe ayaan ku soo qaadan doonaa.
Kasmo Online




