Kulankii Madaxda KMG ah ee Soomaaliya iyo Hillary Clinton
Kulankii Madxda KMG ah ee Soomaqaliya iyo Hillary Clinton
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku qabsoomay, 4tii Aqoosto 2012, kulan Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka Hillary Clinton ay kula lyeelatay madaxda Dawladda KMG ah, Maamulka Puntland, Galmudug iyo Ehlu Sunna Wa Jamaca.
Kulankaas oo aan wax badan laga ogeyn arrimihii khaaska ahaa ee ay Clinton kala hadashay masuuliinta Soomaaliyeed, wuxuu ku soo beegmay maalmo ka dib markii Dastuurka KMG ah lagu ansixiyey magaalada Muqdisho. Wuxuu kaloo ku soo beegmay waqti uu taagan yahay welwel soo xoogaysanaya oo ku saabsan in uu jiro handadaad iyo farogelin lagu samaynayo oday dhaqameedyada iyo Guddiga Farsamo ee soo xulista Xildhibaanada.
Waxaa kaloo kulankani ku soo beegmay iyadoo maalmo koobani ka harsan yihiin xilligii loo qabtay in uu dhamaado Kala guurku, 20 Aqoosto. Kulankani wuxuu kaloo ku soo beegmay iyadoo Golaha Ammaanka ay hortaal warbixin ‘Tuuganimo baahsan’ oo lagu eedaynayo in ay galeen madaxda Dawladda (Madaxweynaha, Afhayeenka iyo Ra’iisal Wasaaraha), kuwaas oo dhamaantood haddana u sharaxan hoggaanka dalka, marka la gaaro 20ka Aqoosto.
Sidaas darteed, Soomaalidu si weyn ayey isha ugu haysay isbeddelka socda iyo kulanka Clinton ay masuuliyiinta Soomaaliyeed ee waqtigan kula kulmaysay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul wasaare C/wali Maxamed Cali, Guddoomiye Shariif Xassan Sheekh Aadan, Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo C/qaadir Macallin Nuur wakiilka Ehlu Sunna Wa Jamaaca.
Shir Jaraa’id oo Hillary Clinton waxay ku sheegtay in ilaa hadda hawsha la qabtay ee Roadmapka ay tahay mid dhiirigelin leh, ayna ku boorinayso hoggaamiyayaasha Soomaalida in waqtiga haray lagu dhameeyo hawlaha harsan, waxayna tibaaxday in Mararykanku taageero isla garab taagi doono maamulka cusub oo Soomalaya ka dhalan doona marka la gaaro 20ka Aqoosto 2012.
C/qaadir Shire, London




