Home | Warar | Dastuurkii KMG ahaa oo la ansixiyey: Soomaaliya iyo Toddobaadkan

Dastuurkii KMG ahaa oo la ansixiyey: Soomaaliya iyo Toddobaadkan

image Ergo Ansixin

Soomaaliya iyo Toddobaadkan 'Dastuurkii KMG ahaa oo la ansixiyey'.

1dii Aqoosto oo arbaco ahayd, 2012, dugsiga Sare ee Booliska magaalada Muqdisho waxaa ku soo idlaaday dooddii Egada Dastuur Ansixinta uga socday halkaas.

Ergada Dastuur Ansixinta oo iyadu aan lahayn in ay Dastuurka wax ka beddelaan ama ku daraan, ee hawshoodu ahayd oo keliya ansixin, waana ay ansixiyeen 621 cod oo u dhiganta 96% oggolaaday, waxaana diiday 13 ergay, waxaana ka aamusay 11 ergay, iyadoo guud ahaan ergooyinka codka bixiyey ay ahaayeen 645 xubnood oo keliya.

Waqtigaas loo fadhiyo hawsha Dastuur ansixinta waxaa Ciidamada Amaanka ee goobta ilaalinayey ay fashiliyeen laba weerar oo isku mar ah oo laba qof oo ismiidaamin ah ku soo galeen xayndaabka xarunta shirku ka socday, laakiin intii ayan yoolkoodii gaarin ayaa labadiiba la dilay, oo ay qarxeen, waxaana weerarkaas sheegtay Ururka Ashabaab.

Shirkii Ergada Dastuur Ansixinta waxaa rasmi ahaan loo soo xiray labadii Aqoosto, waxaana hadda lagu hawllan yahay soo xulista xubno Baarlamaan oo ka kooban 275 xubnood. Waxaa soo xulaya oday dhaqameedka beelaha, waxaana jira dareen ku saabsan in madaxda Soomaalidu ay faragelin ku hayaan soo xulashada xubnaha Baarlamaanka.

Qaramada Midoobay, UK iyo dalal kaleba arrintaas waxay ka muujiyeen welwel. Waxaa kaloo welwel xoog leh ka muujiyey musharraxiinta sheegay in ay u tartamayaan jagada Madaxweynaha. Waxaa iyaguna welwel taas la mid ah soo jeediyey ururada rayadka ah oo uu ku jiro isbahaysi dhowaan la dhisay oo lagu magacaabo IFISO.

20 bishan Aqoosto oo maanta ay inaga xigto 15 maalmood oo keliya ay jiritaanka Dawladda KMG ah ka harsan. Mudadaas 15ka maalmood ay ka harsan tahay, waxaa la sugayaa sida loogu dhamayn karo in xubnaha Baarlamaanka la xulo, la soo bandhig, ay doortaan Guddoon Baarlamaan, ka dibna la doorto Mdaxweyne.

Kasmo Online, London

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text