Mo Farah oo noqday ninkii ugu horreeyey Britain oo ku guuleysta Billadda Dahabka ee 10,000 mitir
Xalay iyo London: Guusha Biladdii Dahabka ee Mo Farah
Waxay ahayd habeen aan weligeed London iyo Britain laga iloobi doonin markii Orodyahanka MO Farah uu soo hooyey guushii ugu horreysay ee Britain ay ka soo hoyso cayaaraha Olymbigga ee orodka 10,000m.
Stadiumka Olympic Park ee cayaaruhu ka socdaan, ayna fadhiyeen 80-kun oo qof ayaa mar keliya la oogsaday, waxaana la ismaqli waayey sharqanta iyo dhawaaqa taageerayaasha Mo Farah oo ku jira ilbiriqsiyadii ugu dambeeyey in uu guusha ku qaado, waana qaaday. Sidaas darteedna, xalay waxay Britain u ahayd habeen guuleed oo ilaa 6 biladood oo dahab ah oo tan Mo Farah ku jirto ayaa Britain qaadday.
Graar ahaan Mo Farah oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, Jaaliyadda Soomalaiyeed ee dalkan UK iyana waxay u ahayd habeen ay laba jeer guuleysteen, mar waa guusha dalkooda Britain ee cayaaraha kala duwan ay ka gaareen, marna waa Mo Farah oo Soomaali ah oo soo hooyey Biladda Dahabka ah ee 10,000 mitir.
Hambalyo Mo Farah
Kasmo Online




