Orodyahanadda Soomaaliyeed Zamzam Maxamed Farah oo kaalinta 7aad gashay
Zamzam Farah oo kaalinta 7aad gashay tartankii gabdhaha ee 400 mitir
Orodyahannada Soomaaliya uga qaybgashay Olymbigga Zamzam Max'ed Farah ayaa maanta Jamce ah, 3da Agoosto, ka qeybgashay tartanka orodka 400 mitir ee Olymbigga London 2012. Waxaana ay Zamzam tartankaasi oo ay ka qeybgelayeen 7 gabdhood ay ka gashay kaalinta 7aad.
Qofkii labaad ee cayaaraha Olymbigga uga qaybgelaya Soomaaliya waa Max'ed Xassan oo u tartamaya orodka 1500 ee mitir, waxaana tartankani uu dhacayaa isla fiidnimada 3da Aqoosto. 2012
Dabcan lama filan karo in Soomaalidu guul ka soo hoyso cayaaraha, waayo waxay dhalinyaradeedii ujeedisay dagaallo beeleed iyo kooxo diimeed, waxayna ka horjoogsatay in ay nabad ku helaan dalkoodii; in ay helaan xoriyad, caafimaad, sport iyo waxbarasho.
Zamzam iyo Maxamed in ay fagaarahaba yimaadeen, bogaadin bay ku mudan yihiin.
Kasmo Online, London




