Soomaaliya oo lumisay fursaddii ugu horreysay cayaarihii Olymbikada London 2012
Furitaankii Cayaaraha iyo Somalia oo lumisay fursaddii ugu horreysay
Boqoradda dalka UK Queen Elizabeth ayaa Cayaarihii Olymbikada ee London 2012 si rasmi ah u furtay xalay oo ahayd 27ka Luulyo, waxaana Stadiumka Olympic Park iyo Tuulada Olymbigga oo labaduba ku yaal bariga London, ay u ahayd habeen dabaaldeg.
17-kun oo cayaartooy, kana kala socda 204 dal ayaa ka soo qaybgalay Olymbigga Sannadkan, iyadoo la shiday 204 shucladood oo dal walba hal shuclad laga masalay, kuwaas oo markii la shiday hal dab oo weyn isku noqday, una taagan farxad iyo midnimo caalamka oo dhan, waxaana hal-ku-dhigga (Motto) ee Cayaaraha Olymbikada London 2012 yahay: Faster, Higher, Stronger, oo la mid noqon karta 'Ka dheerayn, ka sarreyn, ka xoogan'.
Waxay ahayd habeen damaashaad iyo xirfad faneed oo heer sare ah la soo bandhigay. UK gobolladeeda oo dhan,Kacaankii Warshadaynta ilaa hadda, ayaa lagu muujiyey qaybaha xafladda. Waxaa kaloo la soo bandhigay taariikhda dalka UK, markii uu ahaa dal iska beero-qodato ah ilaa Kacaankii Warshadeynta.
Xagga cilmiga, farsamada iyo dhaqanka waddankaan UK, dal iyo dadba, ayaa si wacan loogu masilay xafladdii furitaanka oo ay ku baxday lacag dhan 27m oo Giniga Sterling-ka, waxaana dacallada dunida ka daawanayey in ka badan hal billion oo qof (Waa kun milion).
Soomaaliya waxay lumisay fursaddii ugu horreysay ee Cayaaraha Olymbigga London 2012
Dhacdada furitaanka oo ahayd mid si aan caadi ahayn loo soo diyaariyey, waxaa dal walba uu fursad u helay in uu Team-kiisa fagaaraha soo marsiiyo iyagoo calanka dalkooda wata, ka dibna faallo ayaa laga bixinayey dalkaas meesha maraya. Waxaa laga faalloonayey qofka calanka u sida, muuqaalladooda oo dhamaystiranna waa la muujinayey, iyadoo laga kala daawanayo dunida oo idil.
Dalalka intooba badan waxay calankooda u dhiibteen qof caan ka dhex ah cayaaraha, oo marka la sheego la wada garanayo, loona sacabbinayo. Soomaaliya iyadu fursaddaas waa seegtay, waxaana calanka u siday Zamzam o uu weheliyey Maxamed. Waa labada cayaartooy ee Soomaaliya ka yimid, tartanka oradadana ka qaybgeli doona, waana amaanan yihiin labadaas cayaartooy in ay heerkaan soo gaareen.
Cabdi Bille Cabdi halyeeygii billadda Dahabka ah Soomaali u soo hooyey ayaa la filayey in uu Calanka Soomaaliya fagaaraha la maro, halkaas oo hubaal, qaabka imminka loo muuqday mid ka duwan ay ahaan lahayd!
Lama qiyaasi karo saameynta ay lahaan lahayd Cabdi Bile Cabdi oo Stadiumka soo dhex gala, isagoo lulaya, sita Calanka Soomaaliya. Weliba ninka Cayaaraha Olymbigga London maamulaya Lord Sabastian Coe uu kaga guuleystay tartammo badan, ninka lagu magacaabo Steve Cram, uu isagana kaga adkaaday orodada 1.500 mitir, Roma 1987, billaddii Dahabka ahaydna halkaas ku qaaday.
Guddiga Olymbikada Soomaaliya ee maamulayey howshan, madaxna u yahay Durraan Faarax Guddoomiyaha KMG ah, waxaa laga doonayaa in ay jawaab ka bixiyaan sababta ay fursaddaasi ku luntay.
Wargeyska Kasmo, London




