Warbixin: Shirkii Golaha Dastuur Ansixinta
Warbixin: Shirkii Golaha Dastuur Ansixinta
Warbixin, July 26, 2012 (Mogadishu); Shirka Golaha Dastuur Ansixinta oo furmay 25kii bishan ayaa maantii 2aad ka socda magaalada Muqdisho oo ammaankeeda si weyn loo adkeeyey.
825 xubnood oo Gole Dastuur Ansixiye oo beelaha Soomaaliyeed ka kooban ayaa madasha Dastuur Ansixintu uga socotaa Dugsiga Sare ee Booliska, iyadoo muddo 9 casho ah ay ku howllanaan doonaan ka doodidda qodobadka Dastuurka Cusub.
Laakiin sida la sheegay ayan wax ka beddel iyo ku darid toona lahayn. Waxaa loo sheegay in baarlamaanka soo socda oo keliyihi wax ka beddeli karo.
Furitaankii Shirka Golaha Dastuur Ansixinta waxaa ka soo qaybgalay Oday Dhaqameeyada Soomaaliya oo iyagu markii horeba soo xulay Golaha Dastuur Ansixinta.
Waxaa kaloo ka soo qaybgalay masuuliyiinta Dawladda KMG ah, Ergayga QM ee Soomaaliya Dr. Agustina Mahiga, AU, IGAD, Jaamacada Carabta, Galmudug, Ahlu-Suna-Waljameeca, Puntland iyo marti sharaf kala duwan.
Fanaaniin iyo Kooxda Muusikada ee Booliska ayaa heeso, jilitaan iyo muusik ku maaweelinayey intii lagu jiray munsaabadda furitaanka oo ay khudbado ka jeediyeen Sheekh Shariif, Shariif Xasan, C/weli Gaas iyo Mahiga.
Kuwaas oo bogaadiyey in ugu dambeys uu furmay shirkii Golaha Dastuur Ansixinta, iyadoo xilliga KMG ahi ku egyahay 20 Agoosto 2012.
Waqtigaas oo ay tahay, inta ka horreysa in Dastuurka cusub la ansixiyo, Baarlamaan cusub la magacaabo, Guddoon Baarlamaan la doorto, lana galo doorasho madaxweyne.
Jagadaas oo dadka u tartamaya, oo sheegay in ay murashax yihiin, ay ku jiraan Sheekh Shariif, Shariif Xasan iyo Cabdiweli Gaas. Kuwaas isla markaas ku jira liiska dadka ku eedeysan musuqmaasuq ee ku soo baxay Warbixin Golaha Ammaanka loo gudbiyey isla maalinta loo fadhiyey furitaanka shirka Dastuur Ansixinta.
Golaha Ammaanku waxay warbixinta Kooxda ‘Monitoring Group’ ka doodi doonaan maalinta 31 July oo ah horraanta Toddobaadka soo socda.
Isla markaas war qoraal ah oo 25 July ay Golaha Amaanku soo saareen, waxay ku soo dhoweeyeen furitaanka kulanka Golaha Dastuur Ansixinta. Waxaa kaloo kulankaas soo dhoweeyey Dawladaha Maraykanka iyo Dawladda UK, waxaana ay dhamaantood xuseen in waqtiga KMG dhamaado 20 Agoosto 2012.
Sida muuqata, Soomaaliya hadda waxay foodda la gashay xilli cusub, oo tan ugu weyni tahay Ashabaab oo meelo badan laga saaray, siiba magaalada Muqdishu iyo nawaaxiga ku dhow oo ay ku jiraan degmooyinka Afgooye iyo Balcad, waxaana hadda abaabulkeedu socdaa sidii gobollada Jubbooyinka iyo Gedo looga oreyn lahaa Ashabaab wixii ka hoorreeya 20ka Aqoosto, iyadoo gobollada Hiiraan, Bay iyo Bakool ay hore u lumiyeen.
Hase ahaatee, wax kasta oo soo kordha, isbeddel kasta oo aagga dagaalka laga soo hooyo, hal arrin oo aan xal loo helin, dhibaatadu waa halkeedii, waa sii socon doontaa! Arrintaasi waa in talada dalka laga ilaaliyo madax tuugo ah!
Howshaas waxaa masuuliyadda ugu weyni maanta saaran tahay oday dhaqameedka Muqdishu ku shirsan iyo xubnaha Baarlamaanka ee ay foolanayaan, soo xulistooda ku maqan yihiin.
Wargeyska Kasmo




