Home | Warar | Warbixin: Cilmiga iyo Maalintii Koonku abuurmay

Warbixin: Cilmiga iyo Maalintii Koonku abuurmay

image Kasmo front page

Cilmiga iyo Maalintii Koonku abuurmay

Maanta, 4tii July 2012, waxaa la gaaray horumar xagga sayniska ah. Kaas oo lagu tilmaamay in uu noqon karo helitaankii ugu weynaa muddo dhan boqol sano, waa helitaanka Higgs Boson.

Higgs Boson wuxuu saldhig u yahay jritaanka walaxa ah kale oo dhan.  Helitankani maaha mid hal saynisyahan ama hal dal gooni u sameeyey, ee wuxuu ka dhashay dadaal iyo baaritaan la soo waday muddo dhan 45 sano, waxaana ka qayb-qaatay tobanaan kun oo saynisyahan. 

Shaybaar lagu magacaabo LHC (Large Hadron Collider) ayaa laga dhisay meel u dhexaysa Xudduudda dalka Fransiiska iyo Swisska, waxaana dhererkiisu dhan yahay 27 km, kaas oo dhismahiisu socday 13 sano, waxaana iska kaashaday dalalka Midowga Yurub, iyadoo ay ku baxday lacag ka badan $10-billion. 

 Shaybaarkaasi waa mashruuc Cilmi baaris kii ugu qaalisanaa oo la hirgeliyo, iyadoo ay ka howlgelaan kumaankun saynisyahan. 

Shir jaraa’d oo saynisyahanadaasu qabteen waxay markii ugu horreysay sheegeen in lagu guuleystay helitaan, lana hayo caddayn ku filan in la helay wax u eg Higgs Boson, walaxdii baaritaankeeda shaybaarkaas loo dhistay. 

Maxaa la doonayaa in lagu ogaado?

Saynisyahanada xagga Fisikiska waxay hore u soo bandhigeen in uu jiray maalin qarax weyni dhacay, waqti laga joogo 13 bilyan oo sano; waa qaraxa loo yaqaan ‘Big Bang’. Waxayna rumeysan yihiin in maalintaas uu Koonku abuurmay.  

Muuqaalkii qaraxaas ayey doonayaan in ay shaybaarkan ku eegaan sidii uu ahaa, iyagoo quwad shucaac (Sub-atomic particles) oo iftiinka la orod ah, isku dharbaaxaya, waxlxo cusubna doonaya in ay indhahooda ku arkaan, ilbiriqsiyo ka dib markii Big Bang dhacay oo kale!

 Waxay doonayaan in ay wax ka ogaadaan, oo fahmaan sidii Koonku ku sameysmay, waxaana muuqata in Shaybaarkani saldhig u noqon doono in laga jawaabo su’aalo weli Cilmiga aadanuhu uusan gaarin. 

Natiijada 4 July 2012 la soo bandhigay waxay albaabka u furaysaa aag cusub oo looga jiba-gaarayo waxyaabo badan oo aan weli aqoon loo lahayn, waana la sii socda. 

C/qaadir Shire Faarax

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text