17 qof oo la dilay iyo 53 kale oo dhaawac ah weerar lagu qaaday Kaniisado ku yaal magaalada Garisa
Weerarkii magaalada Garisa oo geeridu sii kordhayso
Ugu yaraan 17 qof ayaa la dilay, waxaana la dhaawacay in ka badan 50 kale, weerar maanta oo Axad ah lagu qaaday laba Kaniisadood, waqti dadku ay cibaadaysanayeen.
Weerarkaas oo ilaa hadda cid sheegatay ayan jirin, sida la sheegay waxaa loo adeegsaday banbaanooyin iyo qoryaha daran-dooriga u dhaca, waxaana la soo werinayaa in weerarka waqti isku dhow la fuliyey. Dadka la dilay waxaa ku jira laba askari oo boolis ah oo iyagu ammaanka goobta sugayey, hase ahaatee, waxaa la sheegay in iyagiina la dilay, hubkiina laga furtay.
Baaxadda weeraka halkaas ka dhacay, geerida iyo dhaawcyadu waxay noqdeen kuwo ay u caal heli karin, gurmad iyo daweyba, awodda xadidan ee mamaulka magaalada Garisa, waxaana la qiyaasayaa in geeridu intaas ka sii badan doonto.
Mas'uul sare oo u hadlay Taliska Booliska ayaa laga soo xigtay isagoo magaalada oo idil ugu dhaaranaya, in la gabagabayn doono, haddii ayan muddo 24 saac ah ku soo sheegin, iska soo dhex saarin ciddii falkaas ka dambeysay!.
Kasmo Online




