Wargeyska Kasmo: Dad Tabaaleysan iyo Madax Tuugo ah!
Kasmo: Dad Tabaaleysan iyo Madax Tuugo ah!
Warbixin World Bank: Dad Tabaalo iyo Madax Tuugo ah!
Wargeyska Kasmo wuxuu rumeysan yahay in ayan jirin, Adduun iyo aakhiraba, dambi ka weynaan kara, in aad xaddo dadkii hoggaankooda kuu dhiibtay!.Waa tuuganimada qof Madaxweyne ah, Ra’iisal Wasaare, Wasiir iyo Afhayeen Baarlamaan, oo intay ‘Xushmaddii iyo Masuuliyaddii Qaran’ deeqi weyday - Tuugo iyo Xatooyo' aan waxba u habayn dal ay ku nool yihiin malaayiin gaajo, saboolnimo, colaad iyo cudur feenanayaan..
Nasiib-darro, sidaas ay tahay, waxay helayaan cid ugu hiilisa magac beeleed!. Hase ahaatee, dadka Soomaaliyeed gudo iyo dibedba, intii damiir ku harsan yahay, waxaa la gudboon in ay ka dhiidhiyaan, waana in ay iska qabtaan tuugada hoggaanka u qabatay; iyagoo iska wacyi-gelinaya:
1. In karaamadii, xushmadii Qaran loo sariftay tuuganimo iyo dhac;
2. In waxa la dhacay yihiin hantidoodii iyo xoolahoodii (Hantidii dal).
3. In loo diyaar-garoobo sidii mas’uuliyiinta tuugada ah looga dheerayn lahaa (Takoori lahaa) in ay mansab dambe oo Soomaaliyeed qabtaan.
4. In la abuuro guddiyo ilaalo oo dadweyne (Bulshada Rayadka iyo Saxaafadda).
5. In Dastuurka lagu daro tuuganimada noocan ah
6. Beesha Caalamka lala kaashado in lagu maxkamadeeyo dambigan.
Ma sugan tahay in Tuugonimo ka dilaacday Somalia?
Bankiga Adduunka wuxuu soo saaray warbixin uu cinwaan uga dhigay ‘World Bank Summary of Financial Diagnostic Assessment of "Audit Investigative Financial Report 2009-10".
Warbixintaas oo ka kooban 18 bog, waxay soo baxday 30 May 2012, waxaana la soo bandhigay maalmaha uu qabsoomayo Shirkii dhowaan lagu soo gabogabeeyey Istanbul, dalka Turkiya. Warbixintu waa baaritaan maaliyadeed, waxayna dersaysaa Dawladda FKMG ee Soomaaliya dakhligii iyo deeqihii soo galay Sannadkii 2009 iyo 2010.
Warbixinta Bankiga Adduunku (World Bank) waxay muunjinaysaa in xisaabin iyo dabagal, xog uruurin ay samameeyeen, ku ogaadeen in sannadkii 2009, Dawladda KMG ah ay soo gashay lacag gaareysay $94 million. Hase ahaatee, ay iyadu (TFG) sheegtay in ay soo gashay $11 million oo keliy, waxa maqan $83 millions.
Sidoo kale, Sannadkii 2010, DFKMG soo gashay lacag dhan $70 million, iyaduse (DFKMG) waxay ku warbixisay in ay u soo xarootay $22 million oo keliya, waxa maqan 48 millions.
Labadaas sano -2009-2010 – ee Bank Adduunku xisaabin iyo dabagalka ku sameeyey, wuxuu soo bandhigay in ay maqan tahay lacag isugeyn dhan $131 million. Lacagtan maqan, waa lacagta soo xarootay, dakhliga gudaha iyo deeq dibedda ah oo u badan dalalka Carabta.
Waxaa kaloo warbixinta Bankiga Adduunku tilmaamaysaa, in qiyaas ahaan lacagta dakhliga gudaha ka soo xaroon lahayd, haddii si masuul iyadi ku jirto la isaga xilsaari lahaa, ay noqon lahayd $155 million Sannadkii 2009, halka Sannadkii 2010 ay ka noqon lahayd $156 millions.
Masuuliyiinta uu Bankiga Adduunku magacyadooda warbixinta ku xusay, masuuliyadda waqtigaasna qoorta u suray, sidan ayuu u qoray, iyadoo aan u soo minguurinay siday ahayd:
"In practice, it appears that certain officials in specific offices and authorities were vested with the power to collect and distribute revenue. During 2009-10 the following positions were some of those held:
• Shariff Hassan, Minister of Finance & Deputy Prime Minister (now Speaker of the TFP)
• Shariff Ahmed (now President of the TFG)
• Abdirazak Osman Hassan, Minister for Post and Telecommunication
• Abdirahman Haji Adan Ibrahim, Minister for Fisheries and Marine Resources
• Abdirashid Mohamed Hashi, Minister for Commerce
• Muhammad Ibrahim, Minister of Ports and Marine Transport ."
-----------------------------------------------------------------------------
Waa in wax laga weyddiiyo masuuliyadda dadka baahida u dhinta, marka waxooda la dhaco.Taas oo hubaal aan ka geeri yarayn xasuuqyada kale.
Warbixin uu daabacay Wargeyska Kasmo, 7 June 2012




