Home | Warar | Masar oo Madaxweyne cusub yeelatay: Maxamed Mursi oo ku guuleystay doorashadii

Masar oo Madaxweyne cusub yeelatay: Maxamed Mursi oo ku guuleystay doorashadii

image Maxamed Mursi

Qaahira: Maxamed Mursi oo ku guuleystay madaxtinimada Masar

Galabta oo bisha juun tahay 24, dalka Masar wuxuu yeeshay Madaxweynihii ugu horreeyey taariikhda Masar oo si dimoqoraadi ah loo doortay.

Taasi waxay ka dambeysay markii Folaha Sare ee doorashada Madaxweynaha ay soo bandhigeen, kuna dhawaaqeen in uu rasmi ahaan Maxamed Mursi, musharaxii Xisbiga Akhwaanu Muslimiinta, kaasi oo helay 51.7% codadkii doorashada.  Wuxuu ka guuleystay Axmed Shafiiq oo mar Ra'iisal Wasaare u soo noqday Xusni Mubaarag. Wuxuu helay 48.3%.

 Madaxweynaha cusub ee la doortay waa 60-jir, waana Engineer wax ku soo bartay dalka Maraykanka, wuxuuna Bare Sare ka ahaa Jaamacad ku taal dalka Masar.

Waxaa horyaal hawl weyn, dal kala qaybsan oo dal sabool ah iyo dal in badani shaki ka qabto Akhwaanu Muslimiin oo hoggaanka dalka qabtay!.

Kasmo Online

 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text