Home | Warar | Cabdullahi Bootaan Xasan: Gabyaaga Olymbiga Dhaqanka - London 2012

Cabdullahi Bootaan Xasan: Gabyaaga Olymbiga Dhaqanka - London 2012

image

Cabdullaahi Bootaan iyo Olymbiga Dhaqanka - London 2012

 Warbixin- (Kasmo); In ka yar 6 toddobaad, dalka UK gaar ahaan magaalada London waxaa ka furmi doona Cayaaraha Olymbiga 2012. Caalamka oo idil wuxuu indhaha ku soo hayaa London iyo UK, iyadoo qaramada kala duwan, mid walba ku howllan yahay sidii uu guul uga soo hoyn lahaa Olymbigga sanadkan. Cayaaruhu waxay bilaabanayaan 27July, waxayna socon doonaan ilaa 12 August 2012.

Cimilada, jawiga cayaaruhu waa bilowday, waxaana hadda shucladdii Olymbiggu dhex dawaafaysaa gobolada kala duwan ee carigan UK.

Marka laga reebo dhanka cayaaraha Olymbigga, dhinaca kale dalka UK, siiba magaalada London waxaa ka socda abaabul weyn oo xagga dhaqanka iyo suugaanta ah.

In ka badan 200 gabyaa oo heer caalami ah ayaa isaga imaanaya Dunida (dal walba hal gabyaa). Sidaas darteedna, suugaanyahanada ugu waaweyn dunida waxay maalinta 27ka Juun, bandhiggii ugu weynaa taariikhda xagga gabyaaga. Waxaa loo qabanayaa, munaasabadda Olymbikada awgeed (Cultural Olympiad).

Dhacdadaas Soomaaliya waa loo joogaa, waxaana jooga Abwaan Cabdullaahi Bootaan Xasan (Kurweyne) oo loo aqoonsaday gabyaaga Soomaaliya (Poet for Somalia) ee Olympiyaadka 2012.

Soomaaliya oo dunidu summad uga dhigtay - dawladda fashilan (The failed Sate), haddana hibada, hal-abuurka iyo kartida dadka Soomaaliyeed maaha mid fashilan, waxaana tusaalooyinka badan oo la bixin karo ka mid ah K’naan Warsame iyo hestiisii furitaanka (Wav’in flag) ee Cayaarihii Adduunka, South Africa 2010, maantana waa Cabdullaahi Bootaan iyo Mahrajaanka xagga dhaqanka ee Olymbigga 2012.

Cabdullaahi Bootaan wuxuu gaaray heer uusan gabyaa Soomaaliyeed hore u gaarin, iyadoo
26 Juun, saacadda 9.30am, hawada sare ee London laga soo daadin doonaa in ka badan 100,000 oo qoraal. Waxaa daadinaya diyaarado Helikobtarro ah.

Qoraaladaas laga soo qufayo hawada sare ee London waxaa ku jira ilaa 4 gabay oo uu leeyahay Cabdullaahi Bootaan, oo English iyo Somali ah.

Isla markaas, maalinta
27 Juun waxaa la soo bandhigayaa kitaabka ‘The World Record’ oo dadka loo aqoonsaday in ay yihiin hoggaamiyayaasha gabayada ee waqtigan, mid walba uu ku leeyahay hal gabay.

Abwaan Cabdullaahi Bootaan Xasan (Kurweyne) wuxuu ka mid yahay hal-abuurada ugu waaweyn dunida ee gabayadooda lagu soo bandhigayo Kitaabkaas.

Waxaa kaloo jira Kitaab kaloo ‘Parnassus’ loo bixiyey, waa magaca Festifaalka Olymbiyaaadka, waxaana la soo bandhigayaa isla
27ka Juun. Botaan wuxuu ku jiraa 10-gabyaa oo munsaabadda soo bandhigga Buuggaas, meesha ka akhrin doonaya gabayadooda.

Cabdullaahi Bootaan wuxuu kaloo qayb ka yahay barnaamij ay ka qayb-qaadanayaan abwaano dalal kala duwan, oo ay abaabulkiisa leedahay Idaacadda BBC World Service, 28 Juun 2012.

Cabdullaahi Bootaan wuxuu qayb ka yahay oo kale barnaamij lagu magacaabo ‘Eray ka yimid Afrika (Word from Africa). Wuxuu gaar u yahay abwaanno iyo qorayaal Afrikaan ah, si loo muujiyo kaalinta Afrika ee Olymbiyaadka 2012. Kaas oo ku soo beegmay 1da July, maalintii xornimada iyo midowgii Soomaaliya.

Barnaamiyo 'Meelo ka baxsan London'

Iyadoo qayb ka ah barnaamijka Olymbiyaad, 28ka Juun, Ururka English PEN (Halabuurka iyo qoraaga Ingiriiska) waxay abaabuleen booqasho uu Cabdullaahi Bootaan ku tego xarun lagu magacaabo ‘Colnbrook detention centre’.

Halkaas oo ay ku jiraan dad maxaabiis ah, oo u xiran Hey’adda UK Border Agency, iyadoo ujeedadu tahay in dadka halkaas ku jira la siiyo, loona akhriyo gabayada Cabdullaahi Bootaan, waayo-aragnimana halkooda loogu geeyo, gudaha halka ay ku xiran yihiin.

Inta u dhexaysa
5-6 July, Abwaan C/llaahi Bootaan wuxuu ka mid yahay Festival dhaqameed lagu qabanyo Waqooyiga Ireland (Northern Ireland), magaalada Derry, oo noqon doonta Caasimadda Dhaqanka ee UK, Sannadka 2013, waana magaalada labaad ee Ireland.

Cabdullaahi Botaan iyo gabar lagu magacaabo Emma oo ay London iska raacayaan, waxay halkaas ku qaban doonaan 'Workshops' ku saabsan suugaanta soomaalida.

Isla markaas khamiista 12ka July wuxuu ka qayb-qaadanayaa munaasabad ka dhacaysa Maktabadda weyn ee Nottingham Central Library.

Warbaahinta iyo Cabdullaahi Bootaan

Howlaha iyo barnaamijyada dhacaya waa badan yihiin, waxaana kaalinta Abwaan Cabdullaahi Bootaan iyo Oymbikada 2012, waqti horeba soo bilaabay in ay baahiyaan, wargeysyo kala duwan, idaacado iyo TV-yo.

Warbaahinta Dunidu, gaar ahaan kuwa UK, qaarkood waxay soo xiganayeen Maansooyin kala duwan oo uu leeyahay Cabdullaahi Bootaan, kuna soo baxay kutub kala duwan. Waxaa ka mid ah Kitaabka RED oo la daabacay 2010. Waxaa kaloo ka mid ah mid ay Dawladda magaalada London soo saartay Sannadkii 2006-2007, waa xilligii Ken Livingstone uu Duq-magaalo ka ahaa London.

William Shakespeare iyo Cabdullaahi Bootaan

Iyadoo markii horeba in gabay af kale lagu tarjamo ay ahayd howl aan fududayn, haddana in gabayadii Shakespeare loo tarjamo ‘Gabay’ Soomaali ah, iyadoon miisaankii iyo macnihii William Shakepeare waxba iska beddelin, waa arin ugub ah!

Bulshada Soomaalida UK, kuwa jooga dalkii Soomaaliya, ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nooshay, in Abwaan Soomaaliyeed uu heerkaas gaaro, waxay u tahay sharaf iyo farxad.

Wargeyska Kasmo wuxuu leeyahay: 'Hambalyo Abdullaahi Bootaan'.

Kasmo, 21 Juun 2012

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text