Home | Warar | Maxaa ka soo baxay wada hadalkii Dawladda KMG ah iyo Somaliland uga socday carriga Ingiriiska?

Maxaa ka soo baxay wada hadalkii Dawladda KMG ah iyo Somaliland uga socday carriga Ingiriiska?

image

Qodobaddii laga soo saaray wada hadalkii Dawladda KMG ah iyo Somaliland

Laba maalomood oo ay shirayeen laba ergo oo ka kala socotay Dawladda TFG-da iyo Somaliland, ayna martigelisay Dawaldada Britain ayaa waxaa gabagbadii, 21ka Juun, laga soo saaray qodobadan:-

1.In la sii wado wadahadalada bilawga ah ee u dhexeeya DKMG Soomaaliya iyo Somaliland.

2.In si dhaqsa ah u wada Kulmaan Madaxwaynaha Soomaaliya Shariif sheekh Axmad iyo Madaxwaynaha maamulka Somaliland Axmad Maxamad maxamuud Siilaanya kana hadlaan arimo ay kamid yihiin qaabka lagu dhaqan gelin lahaa Qodabkii 6aad ee ka soo baxay Shirkii London iyo kii Turkiga.

3.In dowlada Dawladda KMG ah iyo Somaliland ay iska garab siiyaan dagaalka kooxaha Argagixisada, kuwa sunta ku suuga xeebaha wadanka iyo Burcad badeeda.

4.In la sii wado wadahadalka labada dhinac ay ku heshiinayaan.

5.In laga hortago wax kasta oo caqabad ku noqon kara wadahadalada bilawga ah.

6.In ay labada dhinac ay quburo shisheeye u yeertaan kuwaas oo ay kala kaashanaya barnaamijka wadahadalka.

7.in la taageero in sida ugu dhaqso badan loogu baxo Marxaladda KMG ah.

8.Waxay baaq u direeen beesha Caalamka oo ku aadan in Soomaaliya iyo Somalilandba laga taageero Arimaha Bini’aadanimada iyo Horumarka.

Heshiiskan waxaa dhanka DFKMG Soomaaliya u saxiixay wasiirka arimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud iyadoo dhanka maamulka Somaliland uu u saxiixay Maxamed C/laahi Cumar oo ah wasiirka arimaha dibadda ee maamulka Somaliland.

Kasmo Online, London

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text