Dad laga soo furtay kooxo afduub ugu haystay gudaha Soomaaliya
Lamaane Koofur Afrikaan ah oo la soo daayey
Muqdisho, khamiis, June 21, 2012------ Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigay Buruno iyo David oo is qabata oo u dhashay wadanka Koonfur Afrika, kuwaa oo in ka badan 18 bilood ay gacanta ku heysteen Kooxo Argagaxiso ah.
Wuxuuna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha sheegay in ciidamada Militeriga iyo kuwa Nabad sugida oo ka shaqeynayay in muda ahba ayaa howlgal xalay ilaa saakay ay ku guuleystay iney soo furtaan labadaani lamaane ee u dhashay Koonfur Afrika, Isla markaana wuxuu arrinkaani ku tilmaamay in ciidamada Qalabka sida iyo Nabad sugida ay awood u leeyihiin in ay dad soo furtaan.
Sidoo kale Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in arrintaani uu uga mahadcelinayo Wasiirka Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdulaahi Xaaji oo aad ugu dhex jiray xiriirka labada dowladood iyo sidii loo soo furan lahaa lamaanahaani u dhashay Koonfur Afrika.
Wuxuuna intaa ku daray in iyagoo nabad ah galabta uga duuli doonaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho islamarkaana ku wajahan dalkooda ee Koonfur Afrika, wuxuuna sidoo kale xusay in maanta aduunyada ay ku mideysan tahay la dagaalanka Argagaxisada ayna dowladda Soomaaliya ka go’an tahay la daagalankaasi Kooxaha Argagaxisada ah.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa dhiniciisa tilmaamay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ciidamada Nabad Sugida iyo kuwa Militeriga ay si nabadgelyo ah u soo furteen David iyo Buruno oo u dhashay Koonfur Afrika, Isla markaana wuxuu tilmaamay in kuwa kale ee Kooxaha Argagaxisda haystaan ay soo furan doonaan ciidamadeena Nabadsugida iyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii waxaa saxaafadda la hadlay David, wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta dowladda Soomaaliya ay si nabad gelyo ah inoo soo furatay maadaama mudo ku dhow Labo sano ay na haysteen Kooxo Argagaxiso ah, Waana uga mahadcelineynaa dowladda Soomaaliya, iyo sida hagar la’aanta oo ay nolasheena u soo badbaadiyeen, waxaan rajeyneynaa inaan galabka u duulno wadankeena Koonfur Afrika.
- Dhamaad –




