Abdi Nageeye
Cabdi Nageeye oo lagu darey liiska xulka Qaranka Holland
Ciyaaryahan Cabdi Nageeye oo lagu darey liiska xulka Qaranka dalka Holland uga qaybgelaya cayaaraha oradada Qaramada Yurub ee lagu wado in lagu qabto dalka Finland, Helsinki. Ciyaaryahanka oo u dhashey dalka Soomaaliya, degana magaalada Nijmegen ayaa 18 Juni ku guuleystey oradka 5000m koobka dalka Holland,islamarkaana mudooyinkii ugu dambeeyay guulo la taaban karo iyo wacdaraba ka dhigey tartamada lagu qabto dalalka Yurub iyo wadanka Holland.
Mar aan xiriir la sameeyay kadib guushii todobaadkii dhawaa ee Amsterdam ee ku guuleystey oradka 5000m ayuu iisheegay inuu aad ugu faraxsan yahey taageerada iyo hambalyada ay umadda Soomaaliyeed u soo direen iyo sida weyn ay jaraaidka af Soomaaliga ku hadlo ee looga faaloodeen guusha taariikhiga ah ee uu gaarey Cabdi Nageeye.
Waxaan ciyaaraha ugu horeeya ka ordi doonaa tartan dhici doono aaqirka bishaaan June dalka Slovenia, kadibna waxaan u diyaargaroobayaa Euro Athletics Helsinki 2012. Liiska lagu shaaciyay 21 ciyaartooy ee xulka Holland Orange uga qayb galaya cayaaraha ka dhici doono Helsinki, ciyaaryahan Cabdi Nageeye wuxuu ordi doono oradka 10.000m hadii Eebe idmo. Soomaalida degan magaalada Helsinki waxaan kula dardaarmayaa inay soo dhaweeyaan ciyaaryahanada Soomaaliyeed ee ka qayb galaya tartankaas ee u safan dalalka Yurub sida Holland .UK iyo wadamada kaleba, islamarkaana ay garoonka tagaan maalmaha ay dhici doonaan cayaaraha fudud.
SSPAMEDIA waxay u rajeynaysaa ciyaaryahankaan Soomaaliyeed guul wacan iyo horumar wanaagsan inuu kale kulmo tartamada u ka qayb qaadanaayo, Insha Allah.
W/D:Yusuf Yusuf