Home | Warar | Kulanka Dowladda KMG ah iyo Maamulka Somaliland

Kulanka Dowladda KMG ah iyo Maamulka Somaliland

image Somali Map

Kulanka Dowladda KMG ah iyo Maamulka Somaliland

 Kulan laba maalmood socday ayaa la filayey in uu soo  gaba-gaboobo maanta oo 21ka Juun ahayd. Wuxuu dhex marayey  laba ergo oo min 5 xubnood ka kooban oo ka kala socotay Dawladda TFG-da iyo Maamulka Somaliland oo 1991dii ku dhawaaqay in ay ka go’een dalka Soomaaliya intiisa kale. 

Dawaladda Britain ayaa martigelisay kulanka Somaliland iyo Madaxda TFG-da oo ka dhacay Aqalka ‘Chevering House‘.  Ergooyinka ka qaybgelaya, dhinaca TFG-da waxaa hoggaaminaya Wasiirka  Gudaha iyo  Amniga Qaranka  Cabdisamad Macalin Maxamuud. Dhinaca Somaliland waxaa hoggaaminaya Maxamed  Cabdullaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibedda.

Saraakiil ka tirsan dawlada Britain  ayaa ka qeybqaadanayey fududeynta kulanka u bilowday DKMG ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxaana la filayaa in kulankaani hordhac u noqdo kulammo kale oo la isugu yimaado, iyadoo  la hadal hayo in uu  magaalada Dubai ka dhici doono kulan dhexmara Siilaanyo iyo Sheekh Shariif.

Geesta  kale, shirkan Britain ka dhacayey mooyee, waxaa maagalada Nairobi, iyagana shir loogu qabtay xubnihii Saxiixayaasha Roadmapka, oo kala ahaa Sheekh Shariif, Ra’iisal  Wasaare Cabdiweli, Afhayeenkii Baarlamaanka Shariif Xasan, Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynaha Galmudug Col Caalim iyo Ururka Ehlu Sunna Wa Jamaca. Labadaas shir ee loogu kala qabtay England iyo Nairobi, hubaal Soomaalida waa ku filan tahay in ay ogaato heerka ay joogto!.

Kasmo, London

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text