Home | Warar | Johnnie Carson: Waxaan saaraynaa xayiraad ciddii ka hor-timaadda Roadmap-ka iyo Dastuurka

Johnnie Carson: Waxaan saaraynaa xayiraad ciddii ka hor-timaadda Roadmap-ka iyo Dastuurka

image J.Carson

Maraykanka oo u digay ciddii ka hortimaadda Roadmap-ka iyo Dastuurka

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika, Johnnie Carson oo booqasho hal maalin ah ku tegay magaalada Muqdisho Axaddii 10 June, ayaa wuxuu amaanay guulaha ay soo hoynayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika, wuxuuna sheegay in soo arkay xaalad  ka soo raynaysa.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi, markii uu Muqdisho ka soo noqday, wuxuu ka digay in laga hor-yimaado barnaamijka Roadmapka iyo Dastuurka cusub. Wuxuu sheegay in ay ciqaab la kulmayaan cid kasta oo carqaladaysa Heshiiska Roadmapka iyo Dastuurka. Ciqaabtaas oo uu yiri, waxay kala yeelanaysaa heerar: Xayiraad safar oo lagu soo rogo, xanibaad Vise, hantidooda oo la xayiro.

Kaaliyahay Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Johnnie Carson wuxuu sheegay, in ciqaabahaas ay mudan karaan xubno dowladda ku jira iyo qaar dibadda ka ah intaba, 'Waa in uu dhamaado xilliga kala guurka, madaxweynenana la doorto' ayuu yiri.

Johnnie Carson wuxuu noqonayaa masuulkii ugu sarreeyey muddo ka badan 15 sano oo booqda Soomaaliya, waxaana intii uu MUqdisho joogay uu kulmo la qaatay Madaxweynaha TFG-da Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Cabdiweli Gaas. Wuxuu kaloo la kulmay xubno ka tirsanaa Oday dhaqameedyada iyo bulshada Rayadka.

Kasmo Online

 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text