Home | Warar | Dalka UK oo looga Dabaaldegay 60-guuradii Boqoradnimada Queen Elizabeth

Dalka UK oo looga Dabaaldegay 60-guuradii Boqoradnimada Queen Elizabeth

image

Diamond Jubliee: Dabaaldegga 60-guuradii Boqoradda UK Queen Elizabeth

London - 5 May 20012 (Warbixin); Dabaaldegyo waaweyn, xaflado iyo isu-soo baxyo shacbi ayaa maalintii 4aad ( ka socoanaya dalka UK badankiis, iyadoo shaqada fasax laga ahaa maalmihii Sabti iyo Axad ayaa lagu daray Isniin iyo Talaado oo feeysto laga dhigay, si loo weyneeyo 60-guurada ka soo wareegtay markii Taajka Boqoradda dalkan UK loo saaray Queen Elizabeth. Waxay ku beegnayd 1953.

Dalka badankiis, meel walba waa laga dabaaldegay, waxaana dhacay xaflado iyo dhoolo-tusyo ballaaran. Waxaa lagu furay ilaaa kun doonyood oo maalintii Sabtida isug soo baxay webiga weyn ee kala dhex maraya magaalada London. Waa Webiga lagu magacaabo Thames valley.

Halkaas oo lagu xardhay calamada iyo astaamaha UK iyo kuwa boqoradda, waxaa dhoolatuskooda hoggaaminayey markab ay la socoto boqoraddu, ayna weheliyaan xubnaha kale ee reer Boqor.

Magaalooyinka badankood, jidadka waxaa ka dhacayey xaflado (Street parties) dadku ay ku wada cuntaynayaan, hadiyado is-dhaafsanayaan, waxaana dhab ahaan 60-guuradani muujinaysaa qadarinta weyn ee reer UK iyo dunida kaleba looga hayo Boqoradda, waxaana munaasabado diini ah oo lagu qabtay goobaha lagu cibaadeysto, loogu duceeyey in Eebbe cimri dheer siiyo Boqrradda, sannado badan oo kalena ay dabaaldegto.

Kasmo Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text