Qodabo ka soo baxay Shirkii Istanbul 31dii May - 1dii June 2012
War-murtiyeed: Qodabadii ka soo baxay Shirkii Istanbul
Shirkii Istanbul ee arrimaha Soomaalida looga hadlayey, socdayna muddo laba maalmood ah (31dii May ilaa 1dii Juun) ayaa la soo gabagabeeyey. Waxaa ka qaybgalay in ka badan 50 dal iyo ururro caalami ah, waxaana marti-gelisay Dawladda Turkiga, waxaana ka soo qaybgalay Madax Sare oo uu ka mid yahay Ban-ki Moon Xoghayahay Guud ee Qaramada Midoobay. Dawladda Britain waxaa shirka uga qaybgalay William Hague Xogahayaha Arrimaha Dibedda.
Masuuliyiin sare, Oday dhaqameedyo iyo Bulshada Rayadka ayaa dhinaca Soomaalida uga qaybgaleyey. Waxaa kaloo ka qaybgaley maamullo ay ka mid yihiin Somaliland, Puntland iyoGal-mudug. War-murtiyeed laga soo saaray dhamaadkii Shirka, waxaa lagu sheegay:-
1- In la tixgelinayo madaxbanaanida, Sharafta iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
2- In Nabad dhab ah laga sameeyo Soomaaliya iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ay raadinayaan dib u heshiisiin, nabadeyn iyo Xiriir Siyaasadeed si loo helo Dowlad sharciyaysan oo wadajir ah oo Soomaaliya oo dhan mateli karta.
3 -In Beesha Caalamka ay rajo wanaagsan u yeeshay waxqabadkii Dowladda ee Sanadkii la soo dhaafay oo Marxaladdo adag lagu soo shaqeeyey, islamarkaana horumar laga sameeyey dhinacyada Ammaanka, Siyaasadda, bani aadannimada iyo Dib-u-heshiisiinta.
4- Shirkan wuxuu hoosta ka xariiqay in Mas’uuliyadda koobaad ee sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya ay leeyihiin Soomaalida, beesha Caalamkuna ay ku taageerayaan.
5- In la xasuusto shirkii London oo aad muhiim u ahaa arimmo badanna lagu gaaray.
6- In la soo afjaro Xiliga KMG 20-August-2012 sida ku cad Kampala Accord, Road-Map, Garowe Principles iyo Addis Ababa.
7- In Beesha Caalamku ay si degdeg ah u fuliyaan dhammaanba ballanqaadyadii ay horey u ballan-qaadeen si loo helo, markii Odayaasha Dhaqanku ay Muqdisho ku laabtaan ay soo xulaan, ergadii Ansixin lahayd Dastuurka iyo Baarlamaanka Cusub.
8- In Soomaalida lagu ammaanay sida ay u ilaalinayaan xuquuqda Haweenka iyadoo golaha ansixintana ay haween yihiin 30%.
9- In Shirka Istanbul uu soo dhaweynayo in si Kumeel gaar ah (KMG ah) loo ansixiyo Dastuurka (Soomaaliya).
10- In Shirka Istanbul uu taageerayo in shacbiga Soomaaliyeed laga talogeliyo Dastuurka, iyagana ay xaq u leeyihiin.
11- Shirka Istanbul wuxuu hoosta ka xariiqayaa in Baarlamaanku Cusub oo noqdo mid loo soo xulo si cadaan ah oo aanay laalaab ama mugdi ku jirin.
12 -In Doorashada Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka aanay laga dib dhigi karin waqtigooda 20-ka August 2012.
13-Wuxuu kaloo Shirka Istanbul soo dhaweynayaa go’aankii Bishii May 2012 kasoo baxay IGAD, AU iyo Q.M ee ku aadanaa in cidii ka hortimaada hanaanka hada socda loo aqoonsanayo qaswadeyaal (Spoilers) iyadoo Shirkuna uu hoosta ka xariiqayo kooxahaasi in laga qaado talaabooyin ku haboon ama adag.
14- In Beesha Caalamka looga baahan yahay in ay taageeraan qabsoomida Wadahadallada dhexmaraya DFKMG iyo Somaliland.
15- Ka soo qeybgalayaashu waxey aad iyo aad u eegeen in Siyaasadda cusub ee hadda dhalanayso loo baahan yahay hay’adaha la soo dhisayo inay noqdaan kuwo Soomaalida oo dhan wada meteli kara.
16- Shirkan wuxuu tixgelinayaa arrimaha Xuquuqul Insaanka iyadoo Soomaalida laga doonayo in ay texgeliyaan dhowridda Xuquuqda Aadanaha.
17-In La helo dib u heshiisiin dhab ah oo Soomaalida dhexdeeda, ummadduna is cafiso sida dalal badan oo Caalamka ah ka dhacday.
18- Waa inay bilaabataa wixii ka dambeeya August 20-2012 barnaamijyo cusub oo dib loogu soo celinayo dhismaha hay’adaha Dowliga, taasi oo sii ambaqaadeysa qodobada ku xusan Road-Mapka.
19- In La soo Celiyo dib u dhiskii dalka ayadoo dhammaanna Hay’adaha Ammaanka loo helayo tasaaliidkii ay u baahnaayeen laguna Xoojiyo.
20-In Xaga Tababarrada laga taageero Ciidammada Soomaaliya sida ay hada bilowday Dowladda Turkiga.
21- In La Sameeyo Ciidamo si gaar ah u tababaran oo dadka iyo Dalka Ammaankooda sugi kara.
22-In Lagu ammaanay AMISOM howlaha ay xaga Amniga ka wadaan iyo sido kale Dowladihii saaciday oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Midowga Yurub.
23-In Dowladihii horey u balan qaaday iney Soomaaliya usoo dirayaan Ciidammo ka mid noqda AMISOM ay si deg deg ah usoo dhameystiraan Ciidammadii ay ballan qaadeen.
24-In Laga hortago dhammaanba wixii keeni kara Carqalad.
25-In Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba ay noqdaan kuwo ka wada shaqeeya sii xoojinta Hay’adaha Amniga.
26-In La Dhiso amaba dib u habeyn lagu sameeyo Hay’adihii Sharciga sida Maxkamadihii.
27-Shirkan wuxuu si Wadajir uga soo horjeesanayaa falalka Argigixisanimo,Dagaallada iyo Xuquuqul Insaanka oo lagu tunto wuxuuna dhiirigelinayaa sidii Beesha Caalamku arrimahaasi oo dhan ugasoo wada horjeesan laheyd.
28-Shirkan wuxuu Cambaareynayaa in Carruurta loo adeegsado dagaallada ayadoo la askareeynayo
29-Shirkan wuxuu u arkaa Xalka guud ee lagula dagaalami karo inuu yahay in Burcad Badeeda lagala dagaalamo Berriga.
30-In Soomaalidu ay si guud uga wada shaqeeyso Xasilinta iyadoo laga hortagayo in Al-Shabaab iyo Al-Qaeda fursad loo siiyo in ay ku soo laabtaan deegaannadii laga xoreeyey.
31-Shirkaan wuxuu ku ammaanayaa Dowladda hirgelinta Maamullada deegaannadii laga saaray Al-Shabaab ayadoo Beesha Caalamkana ay arimahaasi Dowladda ku taageereyso.
32-In Beesha Caalamku ay tixgeliso habab amni loogu sameyn karo goobahaas la xoreeyey si hanaanka maamul uu usii shaqeeyo.
33-In La sameeyo Sanduuq Dhaqaale oo sii dedejiya fulinta iyadoo Caalamku si wadajir ah uga qeyb qaaadanayaan Arrimahan taasi oo loo arko mid ka duwan sidii Caalamku horey ugu taageeri jirey Soomaaliya.
34-In Loo baahan yahay in lasii wado gargaarka lasiinayo dadka Barakacayaasha.
35-In la aqoonsado in ay Soomaaliya hadda galeyso marxalad cusub oo ah ka soo kabashada dhaqaalaha, loona baahan yahay in lagu taageero oo lagu garab galo.
36-In xoogga la saaro dib u dhiska dalka iyadoo si gaar ah looga soo kabanayo burburkii dagaallada, gaar ahaan guryaha ku yaala Caasimadda.
37-In la hirgeliyo mashaariic biyo gelin ah taasi oo qeyb ka ah mashaariicda Horumarineed.
38-In Dowladda iyo hay’adaha gaarka ah iska kaashadaan xaga maalgelinta iyo horumarinta howlaha.
39-In Shirkan uu soo dhaweynayo Wadahadalada Socda ee lagu sameynayo Hay’ad Dhaqaalle oo ka wada dhaxeysa Dowladda iyo Caalamka iyadoo Wadahadaladaasina si degdeg ah loo soo dhaweynayo.
40-In Shirka iyo Beesha Caalamkuba ay taageerayaan sidii Soomaalida ay Dhaqaalahooda u maamulan lahaayeen.
Dhammaad




