Home | Warar | Madaxweyne Shariif iyo wafdi la socday oo lagu weeraray degaanka Calamada iyo Ceelasha, meel u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye

Madaxweyne Shariif iyo wafdi la socday oo lagu weeraray degaanka Calamada iyo Ceelasha, meel u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye

image Sheekh Shariif

Madaxweyne Shariif oo ka badbaaday weerar lagu qaaday Kolonyo uu la socday

Weerar jidgooyo ah oo Ururka Ashabaab ka dambeeyeen ayaa maanta lagu qaaday Wafdi uu hoggaaminayey Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya.
Weerarkaas oo, sida ay weriyeyaaashu soo werinayaan, socday waqti door ah, wax dhibaato ahi kama soo gaarin Madaxweynaha, waxaana warar kala duwani ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay weerarkaas oo ilaaladii la socotay Kolonyada Madaxweynaha ay si wacan isku daafaceen. 
Ilaa hadda Dawladda KMG ahi war rasmi ah kama soo saarin weerarkaas, waxaase xogo soo baxaya sheegayaan in uu jiro geerida hal askari iyo dhaawaca 7 kale, in kastoo tirada geerida intaas laga badinayo.
Waxaa kaloo la xaqiijiyey in halkaas uu dhaawac ka soo gaaray Maxamed Xuseen Awliyo oo ah Afhayeenka Ururka Elu Sunna ee Qaaradda Yurub oo dhowaan Muqdisho gaaray, kana mid ahaa wafdiga la socday Madaxweynaha.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa la sheegay in ay ku jireen wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil, Somali iyo AMISOM.
Wixii soo kordha, la soco Kasmo Online
  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text