Home | Warar | Shirkii odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayadka oo si habsami leh maalintii 2aad uga socda Istanbul

Shirkii odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayadka oo si habsami leh maalintii 2aad uga socda Istanbul

image

Istanbuul: Shirkii odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayadka oo si habsami leh u socda

Istanbul, May 29, 2012---- Shirkii odayaasha dhaqanka iyo ururada Bulshada Rayidka ah ayaa maanta maalintii labaad si habsami leh uga soconaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga halkaasoo ay ku shirsan yihiin ku dhowaad 400 oo ergooyin kala matalaya qeybaha Bulshada Rayadka, Qurbejoogta, Odayaasha dhaqanka, Culimaa’udiinka, waxgaradka iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliyeed.

 

Shirkan oo furmay 27-kii bishan ayaa waxaa looga hadlayaa aayaha dalka iyo dowladda oo wajaheysa marxalad kala guur ah waxaana odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidku ay si guud maalintii hore uga shireen xaaladda dalka iyo marxalada kala guurka ah, iyaga oo maantana saacadihii hore isugu yimid shir guud abaara duhuradiina loo kala qeybiyay afar qeybood oo kala ah.

 

Kooxda koowaad;- Siyaasada guud ee dalka (Political)

 

Kooxda labaad:- Arrimaha Bulshada (Civil Society)

 

Kooxda Saddexaad:- Dib u soo celinta iyo hagaajinta Dhaqaalaha dalka (Economic Recovery)

 

Kooxda Afaraad:- Ammaanka iyo xasilinta dalka (Security and Stabilization)

 

Kooxahan ayaa waxa ay ku kala shireen saacadihii ugu dambeeyey hoolal waaweyn oo loo diyaariyay iyadoo doodo dhaadheer oo adadag ay dhex mareen, waxaana ugu dambeyntii lagu gabal dhacsaday iyada oo ay weli si habsami leh u soconayaan doodahaasi iyo fikir isu keenista qeybahaas aan kor ku soo xulnay.

 

Intii uu socday shirka guud ayaa waxaa khudbado ka jeediyay goobta xubno uu ka mid ahaa C/risaaq Xaaji Xuseen oo ah Ra’iisul Wasaarihii ugu horeeyey ee dalka Soomaaliya, waxaana uu ku booriyay qeybaha shirkan inay xooga saaraan natiijo wax ku ool ah oo lagu hago dalka, isaga oo fikirkiisana ka dhiibtay Qabyo qoraalka Dastuurka, waxa uuna ku taliyay in la qaato Dastuurkii 1960-kii oo uu sheegay inuu yahay Dastuur afti dadweyne haysta, isla markaana ka wanaagsan midka haatan la diyaariyay.

 

Qeybahan loo kala saaray ergooyinka ayaa waxaa dusha kala socday guddiyo Xiriiriyeyaal iyo Aqoonyahano ah (Experts), kuwaasoo isu duwi doona qaabka ugu habboon ee farsamo ahaan la isugu keeni doono fikirada iyo talooyinka odayaasha dhaqanka, Bulshada Rayadka ah iyo culimada, waxaana la filayaa in gabogabada shirka oo ku aadan bishan June 2-deeda in la horgeeyo shirka Caalamiga ah ee madaxda dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, matalayaasha beesha Caalamka iyo dowladda martigelineysa shirka ee Turkigu ku yeelan doonaan isla magaaladan Istanbul.

 

Sido kale, maalinta berri ah ayaa la filayaa inay soo gaaraan magaalada Istanbul wefdi balaaran oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaali Dr. Cabdiweli Maxamed Cali kuwaasoo ka soo kicitimaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana la filayaa in maalinta ku xigta uu soo gaaro madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wefdi kale oo uu hogaaminayo kuwaasoo isu diyaarinaya shirka June 3 ka furmaya Istanbul.

 

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa saaka u dhoofay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, halkaas oo uu kula balansanaa guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Turkiga iyaga oo ka wada hadli doona labada guddoomiye hagaajinta xiriirka labada dal iyo horumarinta Baarlamaanka Soomaaliya.

Garaad Salaad Xirsi

Istanbul, Ankara

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text