Gabar uu dhalay Saddaam Xuseen oo daabacaysa book Xusuus-qor ah oo aabbaheed diyaarshay
Xusuus-qorkii Saddaam Xuseen oo la daabacayo
War lagu baahiyey Shabakadda Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalada London, waxaa lagu sheegay in Xusuus-qorkii Saddaam Xuseen uu diyaar yahay in la daabaco.
Sidaas waxaa laga soo weriyey gabar uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Ciraaq, Saddaam Xuseen, waxaana Raghad oo ina Saddaam Xuseen ah ay sheegtay in xusuus-qorku uu yahay qoraallo uu aabbaheed ku qoray gacantiisa. Wargeysku wuxuu soo xigtay war uu baahiyey TV-ga Al Arabiya.
Raghad hadda waxay masaafuris (exile) ugu nooshahay dalka Jordan, waxaana la sheegay in Xusuus-qorka aabbaheed ee ay hayso yahay kan sugan ee Saddaam Xuseen uu qoray, intii aan si arxan daran loo daldelin Sannadkii 2006.
Kasmo Online, London




