Home | Warar | Kooxda Chelsea oo hanatay Horyaalka Koobka Kooxaha Yurub 2012

Kooxda Chelsea oo hanatay Horyaalka Koobka Kooxaha Yurub 2012

image Horyaalka Yurub

Kooxda Chelsea iyo Horyaalka Koobka Kooxaha Yurub 2012

Kooxda Chelsea ayaa guul weyn ka keentey ciyaartii finalka aheyd ay la dheeleen kooxda Bayer Munichen islamarkaana  noqotey kooxdii ku guuleystey sanadkaan koobka kooxaha  horyaalada Yurub ,kadib markii ay  ciyaarihii ugu dambeeyay ay si dirqi ah uga  soo wada badiyeen kooxaha kale ah Napoli, Benfica iyo Barcelona, halka horyaalka dalka Ingiriiska  ay ka gashey booska 5aad.

 

Chelsea oo sanadihii ugu dambeeyay ku hartey koobkan ciyaaraha semifinalka iyo finalka, ayaa waxay baahi weyn u qabeen inay mar un qaadaan koobka ugu xiisaha badan dunida ee ay dhelaan kooxaha ugu awooda badan caalamka ee ka dhisan dalalka Yurub, iyadoo uu milkilaha kooxda Chelsea maalqabeenka weyn Abrahimovich uu wacad ku marey inuu hantidiisa ku bixiyo in kooxdiisa Chelsea ay mar un qaado koobkan, kasoo sideedii sanadood ee ugu dambeysay shaqada ka eryay macalimiin magac iyo waayo aragnimo weyn ku lahaa kubadda cagta, kadib markii uu faraha u galiyay malaayiin Dollar,kuwaasoo ciyaaryahano badan lacago ku soo iibsadey si ay balanta ay ka qaadeen milkilaha uga dhigaan mid run ah, taasi ma suurtagalin sideedii sanadood ee la soo dhaafey balse macalinka ku meel gaarka kooxda Chelsea Roberto D'Matteo ayaa noqdey  macalinkii shaqadiisa ka soo baxa oo fuliya shuruudii Abrahimovich.

 

Kooxda Chelsea oo run ahaantii dadaal iyo iska caabin badan kadib ku guuleystey koobka ayaa beenisay sadaashii hore ay uga bixiyeen xeeldheerayaasha kubadda cagta,kuwaasoo aan xisaabta ku darin markii ay ka hadlayeen cida koobkan qaadi doonto Sanadka 2012.

 

Kooxda Barcelona oo run ahaantii aan dhihi lahaa sida dad badan ay ila qabaan kooxdii istaahishey inay qaado koobkan ayaa si fudud Chelsea ugu soo reebtey garoonkooda,kadib markii goalkooda ay ka dhisteen darbi adag oo ay jiiri wayaan laacibiinta kooxda Barca oo uu hogaaminayay xidiga ugu qatersan xiligaan caalamka ciyaaryahan Messi.

 

Kooxda Bayer Munichen oo lagu dheelayay garoonkooda ayaa 120 daqiiqo ay socotey ciyaarta gacanta sare laheyd,inkastoo ay goal ku hormareen uuna u dhaliyay ciyaaryahanka Muller ayaa  hadane dhamaadkii ciyaarta fursad 50/50 aheyd  ayuu goal qurux badan madaxa kaga dhaliyay ciyaaryahan Drogba, waxyar kadibna kooxda Bayer Munichen waxay heleen rigoore laad xor ah kadib markii  Drogba uu ku jilaafeyay ciyaaryahanka Bilal (Ribery) oo u dheela kooxda Bayer Munichen iyo xulka qaranka dalka France meel ku dhaw afka hore goalka kooxda Chelsea, taasoo fursad weyn u aheyd kooxda Bayer Munichen oo ay ku qaadi kareen koobka ayaa waxaa lumiyay rigoorihii xidiga ugu qatarsan kooxda Bayer Munichen iyo Xulka kooxda Holland waa ciyaaryahanka Arjen Robben.

 Kadibna waxaa lagu darey ciyaartii sida caadadu aheyd waqti dheeri ah, way kale bixi waayeen hadane,kadibna waxaa loo gudbey kale reebtadii rigoorayaasha,taasoo kooxda Chelsea laga qabtey  hal rigoore halka kooxda Bayer Munichen laga qabtey labo rigoore, ugu dambeyntii xidiga Chelsea Drogba ayaa kubad si xirfadeysan geeska shabaqa kooxda Bayer Munichen dabamariyay, ciyaartiina waxay ku soo dhamaatey in kooxda Chelsea guusha halkaas ku qaado koobkiina u soo qaadato magaalada London, taasoo shaleyto si weyn loogu soo galbiyay gawaari kor ka furan oo dariiqyadana ay u taagsanyeen boqolaal kun oo taageerayaashooda ah,kuwaasoo wajiyadooda ka muuqdeen farxad iyo damaashaadka guusha kooxdooda. 

Halka su'aasha ugu badan ay iska weydiinayaan saxaafada iyo dadka taageera kooxda Chelsea qofka noqon doono macalinka rasmiga ah ee kooxda Chelsea horyaalka soo socdo 2012/2013, madaama macalinka hada haya ay shaqadiisa aheyd  ku meel gaar balse u soo qaadey kooxda labo koob oo waaweyn mudo ka yar ku dhaw 3 bilood. warar hoose ayaa sheegaya in macalinkii hore ee Qaranka dalka England Fabio Cappello laga yaabo inuu noqdo musharaxa ugu horeeya ee qabanaya xilka banaan, laakinse Chelsea ciyaartooydeeda iyo taageerayaasheeda marka lagu biiriyo qayb ka mid ah gudiga maamula ay la dhacsan yihiin macalin rasmi ah inuu  noqdo ninka koobabka u soo qaatey ee taariikhda Chelsea ku qorey diiwaanka horyaalka horyaalada kooxaha Yurub.

 Kooxda Chelsea oo hanatey horyaalka koobka Yurub iyo koobka FA-ka  England  iyo taageerayaasheeda waxaan leenahay Hambalyo iyo Guul wacanW/D:Yusuf Yusuf, SSPAMEDIA
  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text