Muqdisho oo Master Plan loo sameynayo, lana mataanoobaysa magaalada Istanbuul
Muqdisho: Mataanayn iyo Master Plan
Munaasabad qado sharaf ah oo loo sameeyay quburo ka socotay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo dhawaanahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta (21 Maajo) ay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.
Imaanshaha wafdigan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib horraanti bishan wafdi balaaran oo uu hoggaaminayay Duqa Muqdisho ay booqasho ku tageen magaalada Istabul, kulamana ay la qaateen duqa magaalada Istanbul oo codsatay markii ugu horeysay in lala mataaneeyo magaalada Muqdisho.
Duqa magaalada Istanbul ayaa xiligaas balanqaaday inuu Muqdisho u soo diri doono qubaro aqoonyahano ah kuwaaso diyaarsha Master Plan Muqdisho loo sameeyo iyo sidii loo mataaneyn lahaa magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul.
Qado shafarta maanta ayaa waxaa hadalo kooban kasoo jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane C/samad Sheekh Maxamuud, wuxuuna dowladda Turkiga uga mahadceliyay xiriirka walaaltinimo ee labada shacab iyo labada dal ka dhexeeya.
Waxaana sidoo kale hadal kooban qado shafartaasi ka jeediyay duqa Muqdisho isagoo dhigiisa magaalada Istanbul uga mahadceliyay soo dirista quburada iyo mataaneynta labada magaalo, isagoo dhanka kale ku tilmaamay fursad u soo hoyatay dadka Muqdisho.
War saxaafadeed




