Home | Warar | Kooxda WIGAN oo heshiis la gashey Ciyaaryahan Abubakar Sheegoow

Kooxda WIGAN oo heshiis la gashey Ciyaaryahan Abubakar Sheegoow

image Abukar Sheegow

Kooxda WIGAN oo heshiis la gashey Ciyaaryahan Abubakar Sheegoow

Kooxda WIGAN oo ka mid ah kooxaha  heerka koowaad ee ka dheela horyaalka dalka Ingiriiska ayaa heshiis rasmi ah ay la galeen wiil Soomaaliyeed oo la yiraahdo ciyaaryahan Abubakar Axmed Sheegoow  oo degan magaalada Manchester, kadib markii uu ka mid noqdey ciyaaryahanada ka soo qalin jabiyay sanadkaan iskoolka kooxda kubadda cagta lagu barto ee WIGAN ( Wigan Football Academy),kasoo ay siiyeen ( Prof contract ).

Haddii Eebbe idmo ciyaaryahan Abubakar laga bilaabo sanadka 2012/2013, wuxuu si rasmi ah uga mid noqonayaa ciyaaryahanada kooxda heerka koowaad ee Wigan ama kuwa loo yaqaan kooxda keyda (reserve team players), wuxuuna noqonayaa ciyaaryahankii 5aad ee Soomaaliyeed ee ka mid noqda ciyaaryahanada heerka koowaad ee dalalka Yurub, kuwaasoo hore u soo noqdeen Abdisalaam Caddaay, Ayub Daa'uud,Liibaan Cabdi iyo Ibrahim Faarax,taasoo farxad weyn iyo sharafba u ah dadka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan ee jecel in dhalinyarada Soomaaliyeed ka soo dhexmuuqdaan garoomada caalamka.

Ciyaaryahan Abubakar waxaa dhaley oo aabe u ah Axmed Bishaar Sheegoow oo hore uga soo mid ahaan jirey ciyaaryahanadii heerka koowaad ee dalka Soomaaliya,  gaar ahaan kooxdii HORSEED (Cawo iyo Maalin) haatana ku nool magaalada Manchester.

Laacibkaan isagoo yar ayaa waxaa kooxda da'yarta Manchester City Academy geeyay Garsoore Cabdulqaadir Caddaay oo waqtigaas wiilkiisa Cabdisalaam Ibrahim uu ka mid ahaa iskoolka City oo yaal xaafada Mos side oo ah xaafad ay ku badan yihiin jaaliyada Soomaaliyeed ee degan Manchester, kadibna markii uu mudo joogey ayaa waxaa kooxda WIGAN u wareejiyay Geelle oo ah Soomaali Football Agent, labadii sano ugu dambeysey oo uu ka mid ahaa ciyaartooyda Academy Wigan wuxuu noqdey  ama qaadey ninka goal dhaliska, taasoo ugu dambeyntii an oran karno  Da'daalaa wuu garaa. Ciyaaryahan Abubakar Sheegoow waxaan u rajeynaynaa guul wacan, waxaana leenahay Hambalyo, Guuleyso insha Allah.

W/D:Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA.COM

mrsomalia@hotmail.com

London

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text