Home | Warar | Maalin uu guuleystay Xisbiga Shaqaalaha, England, Scotland iyo Welish-ka

Maalin uu guuleystay Xisbiga Shaqaalaha, England, Scotland iyo Welish-ka

image

Maalin uu guuleystay Xisbiga Shaqaalaha, England, Scotland iyo Welish-ka

 

Masuuliyiinta Xisbiga Shaqalaha iyo taageerayaasha Xisbigaas, meel ay joogaamba, 4ta May 2012, waa isu hambalyeynayaan, ka dib markii uu guul weyn ka soo hooyey Golahayaasha Degaanka ee dalka badankiis.

Marka Xisbiga Labour-ku farxayaan, hubaal waxaa gamiin leh oo niyad jabsan Xisbiga Muxaafidka (Conservative-ka) iyo Xisbiga kale ee lagu magacaabo Liberalka. Labadaas xisbi, waxaa muuqata in doorashadii dhacday 3dii May 2012, in cod-bixiyayaashu cashar siiyeen dawladda wadaagga ah (coalition) ee dalkan UK ka talisa.

Jugta siyaasadeed ee labadaas xisbi ku dhacday waa weyn tahay, waxaana ay u muuqataa in dadweynuhu ka sii jeestay hoggaanka David Cameron.

Xisbiga Shaqaaluhu wuxuu helay in ka badan 823 oo kuris oo dheeraad ah, wuxuuna la wareegay maamulka magaalooyinka dalka ugu waaweyn, Glasgow, Cadriff, Livsepol, Birimingham iyo qaar kale oo muhiim u ah hoggaaminta iyo madaxtinimada Britain iyo guud ahaan dalka UK.

Saamiga codadka:

Labour 38%

Conservative 31%

Lib Dem 16%

London ayaa iyaduna ka mid ahayd goobihii sida weyn loogu loolamayey jagooyinka duqa magaalada, Golaha Magaalada iyo golaha degaanada ee Degmooyinka London oo idil.

In kastoo Xisbiga Shaqaaluhu ku guuleysan waayey xaqiijinta jagada Duqa London (Mayor of London oo mar labaad la doortay Boris Johnson oo Xisbiga Muxaafidka u sharaxnaa, haddana dhinaca kale Golaha ‘London Assembly’ oo ka kooban 25 xubnood 12 waxaa helay Xisbiga Shaqaalaha.

Sida oo kale, degmooyinka London badankood waxaa la wareegay Xisbiga Shaqaalaha.

Cidadkii duqa magaalada loogu kala guuleystay waxay ahaayeen:

Boris Johnson (Conservative) = 1,054,811 cod

Ken Livingstone (Labour) = 992,273 cod.

C/qaadir Shire, London

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text