Qaybtii 2aad ee Qormadii ‘Yaa nagu been-abuurtay?’
Qaybtii 2aad: ‘Yaa nagu been-abuurtay?’
Qaybtii 1aad ee tirsigii hore waxaan ku xusay inay jirto halis weyn, hadda iyo waqtiga soo socdaba, oo ku saabsan waxa ‘khiyaamo qaran’ tahay, haddii marka cadow loo adeego la mutaysanayo ‘Maamuus qaran!’.Dhaqanka noocaas ah in laga hortago oo la cambaareeyo waxay dan u tahay dalka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Isla markaas Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Gaas, haddii wax un Sheex iyo Damiir ahi ku harsan yihiin, waxaa la gudboon in ay raali-gelin siiyaan dadka Soomaaliyeed, la xiriirta in Calanka Soomaaliya hoos loo dhigay, geeridii G/Sare Cabdullaahi Yuusuf darteed!. Haddii kale waxay noqon doonaan kuwo baal-huwiyey ama u raad-gaday khiyaamo Qaran!.
G/Sare Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ahaa nin khiyaamay dalkii uu u dhashay iyo dalkii uu sarkaalka u noqday. Inta aan hubi karno, khiyaanada Qaran ee Cabdullaahi Yuusuf waxay soo bilaabatay Sannadkii 1977, markii Soomaaliya iyo Itoobiya dagaal ku dhex maray gobolka Ogaden (Somali Galbeed).
Sida isaguba uu ku qoray buuggiisa ‘Halgan iyo Hagardaamo’ waxaa madax looga dhigay Kulmiska koofureed ee aagga dagaalka ee ku jeeda gobollada Baali iyo Sidamo. Wuxuu sheegay in 32,000 (Soddon iyo laba kun) oo askari oo hubkoodu u dhan yahay uu Kulmiskaasi ka koobnaa, isaguna Taliye u ahaa.
Inta aanan hore ugu sii socon, aan soo xigto tirsigii Wargeyska Kasmo ee soo baxay 22 Maarso 2012 (hal maalin ka hor geerida Cabdullaahi Yuusuf). Waxaa ku soo baxay su’aal weyddiinaysay madaxdii markaas dalka ka talinayey. Waxay ahayd su’aashu:- Ma waxaad Soomaaliya dagaal geliseen, iyadoo Saraakiisha horkacaysa ciidamada guusha keenaya ay ku jiraan, weliba hoggaaminayaan saraakiil aad xabsi isaga hayeen muddo lix (6) sano ah, idinkoo uga cabsi qabay xukunkiina, waa Col Cabdullaahi Yusuf iyo General Caydiid!?.
Ma filayo in raggii waagaas talada dalka hayey, wax dhintay iyo qaar noolba, ay jawaab ka bixinayaan sababta G/Sare Cabdullaahi Yuusuf, inta muddo lix sano ah xabsi ku soo hayeen, iyadoo sababtu ahayd oo keliya in ay xukunkooda uga cabsi qaba, ka dibna ay u xilsaareen in uu hoggaamiyo 32-kun oo ka mid ah ciidamadii ugu casrisanaa Afrika, waa ciidankii Soomaaliya ee 1977, dagaal guul laga doonayo!!.
Ma garan karno, haddii Taliskii General Maxamed Siyaad Barre jawaabi lahaayeen, waxa ay jawaabtoodu noqon lahayd!. Hase ahaatee, G/Sare Cabdullaahi Yuusuf laftiisa ayaa isugu su’aashaas si dadban uga jawaabay. Wuxuu sheegay in ay ku jireen abaabul afgambi ciidan, isaga iyo koox saraakiil ahi, ka hor inta aan la aadin dagaalkii ‘77’.
Wuxuu sheegay in sannadkii 1976 ay hawlgalka afgambiga bilaabeen, uuna waqti kooban, 1976, ku uruursaday lacag boqolaal kun oo Doollar ah, xilli gaaban oo uu Maareeye Guud ka ahaa wakaaladdii lagu magacaabi jiray WAGAD.
G/Sare Cabdullaahi Yuusuf, inta dagaalka lagu jiro, isaga iyo koox saraakiil ah oo qaybaha iyo talisyada dagaalka wax uga jira, waxay ku mashquulsan yihiin sidii ay u sameyn lahaayeen afgambi ay xukunka uga tuuraan hoggaankii talada hayey xiligaas.
Markaas, haddii aad ku hawllan tahay ‘Afgambi’ waqti dagaal lagu jiro, hubaal waxay noqonaysaa in aad diyaarinaysid in lagu jabo dagaalka. Guuldarrada ka dhalata jabkaasna ay noqoto mirihii cinqilaabka oo bislaanaya!. Dagaalkii waa lagu jabay, waxaana Maarso 1978, lagu dhawaaqay in Soomaaliya ciidamadeedii kala soo baxday dagaalka, oo xuduuddeedii dib ugu soo celisay.
Isla markaas, 9kii April 1978, G/Sare Cabdullaahi Yuusuf iyo saraakiishii kale ee ay abaabulka incilqaabka ku wada jireen, waxaa ka fashilay afgambigii. Kuwaas oo intii la qabtay mooyee, intoodii kale baxsadeen. Waxaa ka mid ahaa saraakisha baxsatay G/Sare Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo magaalada Mandhera ka galay Kenya, ka ddibna wuxuu uga sii gudbay Itoobiya.
Sarkaal sare oo ka tirsanaa XDS oo u galay Itoobiya
G/Sare Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxuu u galay Itoobiya, isagoo xambaarsan sirtii Ciidanka Soomaaliyeed. Waqtigaas Itoobiya waxaa ka talinayey Kornayl Mengistu Xayle Maryam.
Waqti yar ka dib ciidankii Cabdullaahi Yuusuf Taliyaha u ahaa, guud ahaan ciidamadii Qalabka Siday iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan, waxaa la soo gudboonaatay in ay iska difaacaan Itoobiya oo ay la socdaan saraakiil uu Cabdullaahi Yuusuf ka mid yahay.
Hase ahaatee, inta aanan qoraalkaan hore ugu sii socon, aan halkan uga yeero dhamaan Soomaalidii u dhimatay xorriyadda iyo qaranimada Soomaaliyeed darteed.
Waxaan u yeerayaa saraakiishii iyo askartii geeriyootay iyagoo dalka ka difaacaya Amxaaro iyo Cabdullaahi Yuusuf. Waxaan u yeerayaa dagaalyahanadii Jabhaddii Xoreynta Soomali Galbeed. Waxaan u yeerayaa Waaqow Guutow halgamaagii Jabhaddii Somali Abbo (Jabhaddii Oromada). Waxaan u yeerayaa dhammaan dadkii ku noolaa magaalooyinka Balanballe iyo Galdogob.
Halkaas oo ciidamadii Mengistu Xayle Maryam qabsadeen iyagoo ay weheliyaan maliishiyaad ka tirsanaa Jabhad Beeleedkii SSDF ee G/Sare Cabdullaahi Yuusuf ku aasaasay gudaha Itoobiya. Halkaas oo Calankii Soomaaliya la dejiyey, kii Itoobiyana laga taagay, bishii July 1982.
Dadkaas aan u yeerayo, wax dhintay iyo wax noolba, dhamaantood waxaan u soo kiciyey in aan ku dareen-geliyo, maamuus geeridii G/Sare Cabdullaahi Yuusuf darteed, in Calankii Soomaaliya hoos loo dhigay!.
Waxyeellada qotodada dheer ee ay Soomaaliya ku reebtay dhagartii G/Sare Cabdullaahi Yuusuf ka galay dalkiisa, waxaa ka mid ahayd dhalinyaradii iyo saraakiishii uu qaab beeleed ku geeyey Itoobiya. Kuwaas oo loo adeegsaday, kuna hoobtay duullaamadii Mengistu ku soo qaadayey Soomaaliya iyo kuwii uu kula dagaallamayey jabhadihii Xoreynta Somali Galbeed.
Isla markaas, Soomaalidu waa fir xumaanta isaga dayatee, Cabdullaahi wuxuu furay albaab xaaraan ah. Albaabkaas waxaa iyaguna ka daba galay Jabhad beeleedyo, SNM, USC, SPM iyo kuwo kale. Sidaas darteedna, G/Sare Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ku sifoobayaa wax u eg sida qisadii Diinta ku jirtay ee ku saabsan ‘Haabiil’ oo walaalkiis Qaabiil dilay – dilkii ugu horreeyey qof aadane ah oo qof kale dilay!.
Cabdullaahi Yuusuf wuxuu noqonayaa aabbihii Jabhad beeleedyada, kuwaas oo 30 sano ka dib, weli mashaqadoodii taagan tahay!. Hase ahaatee, inta aanan soo gabagabeyn qoramadan, waxaan halkan ku soo bandhigayaa:-
1. Shirqool- (Eeg bogga 4aad), 2. Xasuuq shacab - (Eeg bogga 7aad).Warbixin uu daabacay Wargeyska Kasmo, 3dii Maajo 2012
Qaybtii 1aad: http://kasmonewspaper.com/Warar/1411.html




