Xildhibaano ay ka mid yihiin Cabdiwel Sheekh Maxamed iyo Yusuf Mire Seeraar oo lagu dilay Degmada Dhuusamareed
Xidhibaan Cabdiwel Sheekh Maxamed iyo Yusuf Mire Seeraar oo dintay, dhaawcyo culus oo jira
Ilaa 10 qof dad gaaraya ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen weerar Ismiidaamin ah oo Ururka Ashabaab galabta, 1da May 2012, ku qaadeen wafdi xildhibaano ah oo booqasho ku marayey magaalada Dhuusamareeb.
Weerarkaas oo qof isa soo miidaamiyey uu fuliyey, waxaa isla markiiba geeridooda la xaqiijiyey Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Maxamed Aw Maxamuud iyo Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar. Waxaa kaloo dhaawacyo kala duwani soo gaareen Xildhibaano iyo masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay Axmed Cabdisalaam oo hore Ra'iisal Wasaare ku xigeen uga soo noqday Dawladda KMG ah.
Xildhibaan C/rashiid Shiikh Saciid oo ka mid ahaa xildhibaanadii goobta qaraxu ka dhacay, oo faahfaahinsiiyey Idaacadda VOA-da, wuxuu sheegay Xildhibaanada ku dhaawacmay weerarkii Dhuusamreeb uu dhaawaciisu ugu daran yahay Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar, hase ahaatee Xildhibaan C/risaaq Isaaq Biixi iyo Axmed C/salaam dhaawacoodu uusan culeyn.
Dadweyne iyo askar ayaa iyagana la xaqiijiyey in ay isla goobta ku nafwaayeen, waxaana jira tiro kale oo dhaawacyo ah. Wafdigan oo isugu jira siyaasiyiin iyo aqoon yahanno waxay maalmahaanba marayeen gobolka Galguduud, iyagoo hore u soo booqday degmooyinka Guriceel, Caabduwaaq iyo Xeraale, waxayna booqashadan maanta ah ku marayeen Degmada Dhuusamareeb.
Kasmo Online




