Faallo: Xukun iyo Janno doono!
Faallo: Janno iyo xukun isla socda – ka joog!
"Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee, kala dhawraay, kala dheer labaduye, kala dhawraay...".
Murtidaas waxaa la curiyey sanooyinkii lixdamaadkii, waxayna Soomaalida uga digeysay in ‘Maamulka iyo siyaasadda dalka laga ilaaliyo qabyaaladda’.
Laakiin - sida caqliga wanaagsani oggol yahay - murtidaas in la raaco waxaa ka xoog batay damaca kooxihii ay siyaasaddu maan-qaadday!
Qabyaalad ayaa maamulkii dalka lagu dumiyey, oo weliba dagaal sokeeye loo sii adeegsaday!
Halkan Diinta lafteedu waa noqon kartaa mid kooxo dan lihi adeegsadaan! Weliba waxay haystaan qiil ay ku weeraraan in aad garatay dantooda: ‘Kitaabka Alle ayaad diiddan tahay!".
Waqtigan oo ay guud ahaan Soomaalida ku yar tahay isdhaafsiga doodo maangal ah, haddana markay ‘dood noqoto’ tan ugu nasiibka darani waa tan ku dhisan diinta. Waayo, qofkan xukun doonka ahi wuxuu isla markiiba dadka ku cabsi gelinayaa Diin iyo xag Eebbe!
Weligeed qof dan lehi waa jecel yahay in uu la yimaado wax dadka uu ku beer-laxawsado. Weliba dal saboolnimo, burbur iyo rejo xumo ka dhex adeegto. Dhibkaas dadka haysta in looga baxayo waddaaddo xukun doon ah, hubaal waa mid uun ku ekaan doonta ‘Beer-laxawsi’.
14kii sano ee la soo dhaafay, muuqaalka kooxaha ‘Xukun iyo Janno doon ah’ ee Soomaaliya, kama muuqan in ay ahaan karaan qoon loo dugsado in ay yihiin kuwo Soomaaliya 'oof' ka saari doona.Arrimaha iminka Muqdisho ka socda, waxay guuldarrada Soomaaliya u xambaariyaan inta kale, waxayna xalka ku tilmaameen Soomaaliya oo laga hirgeliyo Xukun Islaami ah.
Halkan mar kale Soomaalidu waxay u baahan tahay in looga digo in ayan debinka ugu dhicin kooxo xukun doon ah oo diin ugu dhex hullaabta!
Haddii 25-sano oo 'dagaal sokeeye iyo dagaal ooge' la soo arkay, haddana Soomaalidu waa in ayan jitaabin mid hor leh 'Xukun diimeed.’
Janno iyo xukun isla socda – ka joog!
(Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo, 27 Abrill 2006)




