London iyo 3da May 2012 'Maalin codayn'
London iyo 3da May 2012 'Maalin codayn'
Magaalada London waxaa ku soo fool leh qaadasho go’aan taariikhi ah, 3da May 2012, waa maalinta ay dhacayso doorashada Duqa magaalada London iyo Golaha Magaaladaba.
Inta aynu hubno ilaa 3-musharrax ayaa Xisbiyada ‘Labour, Conservative iyo kan Liberalka’ u kala tartamaya oo xisbi waliba doonayo in uu qabto Xilka Duqa magaalada London.
In kastoo ay jiraan musharraxiin xisbiyo yaryar iyo xubno madaxbanaan oo u tartamaya jagada Duq magaalada London, haddana waa iska caddahay in loollanka ugu adagi yahay kan dhex maraya Musharraxa Xisbiga Shaqaalaha oo ah Ken Livingstone oo laba jeer oo hore London Duq magaalo uga soo noqday iyo Boris Johnson (Conservative) oo hadda isagu ah Duqa Magaalada London.
London oo ay ku nooshahay malaayiin qof oo hadda kala af, isir, dhaqan, midab iyo diin intaba, dhab ahaan waxay u baahan tahay qof dadkaas isku wadi kara, magaaladana ka dhigi kara meel nabdoon, siina horumarta.
Markaas, dad badani waxay ku talo gelayaan in uusan Duq-magaalo u noqon qof aan dantooda iyo baahidooda dareemi karin; baahida xagga guryaha, nabadgelyada, waxbarashada, qiimaha basaska iyo Tareenada lagu raaco iyo shaqada intaba.
Codeynta 3da May oo iminka waqti yari naga xigo, waa muhiim in la soo baxo, oo codayntana laga qaybgalo. Soomaalida ku nool London waxaa la gudboon in ay si macno leh isku abaabusho, soona bandhigto in ay tahay awood codeed oo natiijada dhinac u dillaamin karta.
Waqti ma harine u diyaar-garow qofkii Duq magaalo kuu noqon lahaa 4-sano oo dambe, Ken Livingstone mise Boris Johnson.
Wargeyska Kasmo: 'Waa kala bax eh, dhiibo codkaaga'.




