Home | Warar | Wargeyska Kasmo oo wax ka qoray G/Sare Cabdullaahi Yuusuf

Wargeyska Kasmo oo wax ka qoray G/Sare Cabdullaahi Yuusuf

image Kasmo19April12

Soomaaliya tacsi uma fadhido! 'Yaa nagu been-abuurtay?'

Hordhac  

Markii aan dooranayey cinwaanka sare, waxaan maanka ku hayey dulucda - nuxurka erayada ay ka mid yihiin waddaniyad, halgan, dal jacayl, midnimo, daacadnimo, run iyo geesinnimo.  Waxaan kaloo maanka ku hayey waxa ay u taagan yihiin erayada: Dhagar-qabe, Khaa’in waddan, Shirqool, Xasuuq, Qaran-dumis, Adeegane ...  

Markii hore qormadan waxaan cinwaan uga dhigay: Yaa ku been-abuurtaay Col. Cabdullaahi Yuusuf?. Waxaanse mar dambe ku qancay in uu yahay qaranka Soomaaliyeed kan lagu been-abuurtay, markii la jilay (acted) sidii in Soomaaliya tacsi u fadhido!.  

Hase ahaatee inta aanan hore ugu sii socon qoraalkan, aan soo xigto tix gaaban oo uu leeyahay gabyaagii weynaa, Qamaan Bulxan. Waxaa tixda oranaysa;  

"Maashaan la sarin waa danbay sara Kacaantaaye,

So'du waxay ka quruntaa kobtaan hillibku saafnayne".

(Qamaan Bulxan)  

Isla markaas tixdaas Qamaan Bulxan aan sii raacsho, oo u yeero hal-abuurayaal waaweyn oo kale, kuwaas oo dhamaantood mootan. Waxaan uga yeerayaa qabriga, hurdada xasiloon ee ay ku jiraan, si aan ugu dareen-geliyo in lagu been-abuurtay Soomaaliya!  Waxaan u yeerayaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Xaaji Aden Af-qalooc.  

Waxaan u yeerayaa Cabdullaahi Qarshe, waxaan u yeerayaa Cabdulqaadir Xirsi Yamyam. Waxaan u yeerayaa Cabdi Muxumed Amiin, Cabdulle Raage iyo Xasan Sheekh Muumin.  Waxaan u yeerayaa Cali Xuseen, Careys Ciise iyo Qaasim Hilowle. Waxaan u yeerayaa 13kii SYL, Cabdullaahi Ciise iyo horseedkii Leegada.  

Waxaan u yeerayaa Maxamuud Xarbi, halyeygii Xeebta Soomaaliyeed ee Faransiisku gumeysan jiray (Jabuuti) iyo dhamaan Soomaalidii u soo dagaallantay in uu abuurmo qaran madaxbanaan iyo in dib loo mideeyo qaybihii dalka Soomaaliya loo qaybshay.  

Waxaan si gaar ah magaciisa u xusayaa Makhtal Daahir, halgamaagii reer Ogaadenya (Soomaali Galbeed) oo aan u tebinayo in Soomaaliya calankeedii hoos loo dhigay, geeridii Cabdullaahi Yuusuf darteed!.  (Wargeyska New York Times ayaa bishii Maarso 1964 wuxuu wareysi la yeeshay Maqtal Daahir. Wargeysigaas iyo sawirkiisii waxaa soo daabacay Wargeyska Kasmo, tirsigii soo baxay 19 April 2012, boggiisa 4aad) 

Dhowr arrimood ayaa igu xambbaaray in aan diyaarsho qoraalkan:-

Tan 1aad; Inta aan ka war-qabo, qoraal iyo dhahaal toona, Kornayl Cabdullaahi Yuusuf ma jirin meel uu dalka Soomaaliya iyo dadkiisa cafis uga dalbay, wuxuuna dhintay iyadoo ay weli taagan tahay mashaqadii laga dhaxlay khiyaanadii qaran ee uu galay.  

Tan 2aad; Madaxda Dawladda KMG ah waxay abaabuleen Baroor-diiq (Tacsi Qaran) gudaha iyo dibaddaba. Weliba waxaa warbaahinta laga tebiyey meydkii Cabdullaahi Yuusuf oo, 25kii Maarso 2012, la keenay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo looga dhawaaqay, in Col. Cabdullaahi Yuusuf ahaa “Halyey Qaran”. 

Tan 3aad; Waxaa ii muuqata halis weyn, hadda iyo waqtiga soo socdaba, oo ah waxa ‘khiyaamo qaran’ tahay, haddii marka cadow loo adeego, la mutaysanayo ‘Maamuus qaran!’.  

Isu-geynta sadexdaas arrimood oo ay weheliso masuuliyad dhinaca damiirka ah oo aan dareemayo, ayaa gundhig u ah in aan diyaarsho qoraalkan.  

Dabcan, waan garowsanahay, waana ka cuddadaaranayaa xanuunka uu qoraalkani ku keeni karayo taageerayaashii, xigtadii iyo qoyskii G/Sare Cabdullaahi Yuusuf Axmed.  

La soco tirsiga dambe ...

C/qaadir Shire Faarax

 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text