Home | Warar | Geerida Maowliid Macaane iyo Faysal Xaaji Cilmi

Geerida Maowliid Macaane iyo Faysal Xaaji Cilmi

image Mowliid Macaane

Geerida Xildhibaan Mowliid Macaane iyo Faysal Xaagi Cilmi

Xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud iyo Faysal Xaaji Cilmi oo falkii bahalnimada ahaa ee 4-tii April ka dhacay Tiyaatarka Qaranka ku dhaaawacmay ayaa maalintii Sabtida 7 April ku geeriyooday magaalada Nairobi. 

Mowliid Macaane Maxamuud wuxuu ahaa rug caddaa Siyaasi ah oo waqtigiisa inta badan u huray u adeeggidda ummadda. Wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe, Isagoo soo qabtay xilalka agaasime ilaa heer wasiir. Wuxuu kaloo ahaa shakhsi dadaal weyn geliyey horumarinta Isboortiga Soomaaliya. Wuxuu ahaa Garsoore Caalami ah ee Kubadda Cagta.

Faysal Xaaji Cilmi wuxuu ahaa isku xiraha arrimaha bulshadda ee Xafiiska ra’iisul Wasaaraha, waxaana Ra'iisal Wasaare Cabdiweli Gaas oo geerida Faysal Xaaji Cilmi si gaar ah uga hadlay uu ku tilmaamay inuu ahaa nin hal abuur leh, wax qabad badan, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in isaga iyo Marxuun Faysal ay  ku soo wada koreen magaalada Dhuusomareeb ee gobalka Galgaduud.

Kasmo Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text