Home | Warar | Warar faahfaahsan oo ka soo baxay qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Golihii Tiyaatarka ee Muqdisho

Warar faahfaahsan oo ka soo baxay qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Golihii Tiyaatarka ee Muqdisho

image Muuqaal qaraxii

Madaxdii Isboortiga Soomaaliya oo lagu dilay weearkii Tiyaatarka

Waxaa la xaqiijinayaa geerida ilaa 10-qof oo ay ku jiraan Guddoomiyihii Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish) iyo guddoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta Saciid Mugaanbe. Waxaa jira dhaawacyo ilaa 30 gaaraya oo loo kala daad-gureeyey isbitaallo kala duwan, waxaana jira dad dhaawacyadoodu culus yihiin.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira Wasiirro, xildhibaanno, saraakiil, weriyayaal iyo shacbi intaba. Xildhibaan Mowliid Macaane, Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa, Xildhibaan Yaasiin Bucul, Caasho Cumar Gees-diir waa gudoomiyaha haweenka qaranka, Abwaan Axmadey Cabdi Gaashaan, Xabiibo Xuseen Baajuuni (fanaanad) iyo C/qaadir Max’ed Nuur Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka oo ay fulisay qof haween ah oo isa soo miinaysay, ka dibna isku dhex qarxisay goobtii xafladdu ka socotay, xilli uu khudbad  ka jeedinayey Ra'iisal Wasaare Cabdiweli Gaas.

Tiro xoog leh oo ka mid ah weriyalaa iyo filim-qaadeyaal ayaa iyagana weerarka dhibaato ka soo gaartay, kuwaas oo hadda isbitaalada kala duwan lagu baxnaaninayo caafimaadkooda. Ururka Ashabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka bahalnimada ah ee dad aan waxba galabsan lagu dilay, qaarkoodna lagu dhaawacay.

Kasmo Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text