Home | Warar | Xaasas iyo caruurtii Osama Bin Laden oo la xukumay 45 casho oo xabsi ah

Xaasas iyo caruurtii Osama Bin Laden oo la xukumay 45 casho oo xabsi ah

image Osama Bin Laden

Maxkamad xukuntay Xaasaskii iyo gabdho uu dhalay Osama Bin Laden

Wararka ka imaanya dalka Pakistan waxay sheegayaan in saddex haween ka mid ah xaasaskii hoggaamiyihii hore ee Al-qaacida Osama Bin Laden, ay maxkamadi xukuntay middiiba 45 casho oo xabsi ah iyo ganaax  dhan £122 (10,000 Rupe ee lacagta Pakistan).

Warkan oo laga soo xigtay Qareenkii u doodayey xaasaska Osama Bin Laden, wuxuu kaloo sheegay in laba gabdhood oo ilma Osama ah iyana maxkamaddu xukuntay, tiiba 45 casho iyo lacagtaas ganaaxa ah. 

Shaantaas haweenka ah ee Osama Bin Laden, qaarna dhalay, qaarna  isaga u dhixi jireen, waxaa la sheegay in dalka Pakistan laga masaafurin doono, marka ay dhamaystaan xukunka, iyadoo dacwada lagu soo oogay ahayd, in ay si aan sharci ahayn ku soo galeen, kuna joogeen dalka Pakistaan .

Dhinaca kale, dawladda Pakistaan ayaa la sheegay in ay ka welwel qabto, marka qoyska (caa'ilada) hoggaamiyihii hore ee Al-qaacida ay Pakistaan ka baxaan, oo lagu celiyo dalalka Sacuudiga iyo Yeman, ay dhici karto in ay sir kashifaan, ku saabsan xog hoose oo ay ka ogyihiin mudadii Osama Bin Laden ku sugnaa gudaha dalka Pakistaan iyo xiriir haddii uu jiray dawladda Pakistan iyo ninkoodii waqtiga dheer Maraykanku raadinayey. Laakiin markii dambe 1dii May 2011, laga helay guri uu ka degganaa magaalada Abbottabad.

Halkaas oo weerar ay fuliyeen ciidamo si gaar ah u tababaran lagu dilay. 

Kasmo Online  

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text