Home | Warar | Kornayl Cabdullaahi Yuusuf oo geeriyooday

Kornayl Cabdullaahi Yuusuf oo geeriyooday

image Col Cabdulahi Yusuf

Kornayl Cabdullaahi Yuusuf oo geeriyooday

Maarso 23, 2012 (Kasmo) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Kornayl Cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa geeriyooday, maanta oo ah 23 bisha Maarso 2012. Wuxuu ku geeriyooday Isbitaal lagu magacaabo Sheekh Zaa'id ee dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu muddo ku xanuunsanaa.

Kornayl Yuusuf oo da’diisu ahayd 78-jir wuxuu soo noqday Madaxweynaha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya intii u dhexaysay  Oktoobar 2004 ilaa Diseember 2008, wuxuuna jagada Madaxweyne iska casilay ka dib markii uu muran siyaasadeed soo dhexgalay isaga iyo xukuumaddii uu Ra’iisal Wasaare ka ahaa Nuur Cadde.

Markii uu xilka iska casilay wixii ka dambeeyey wuxuu ku noolaa magaalada Sanca isagoo mangalyo siyaasadeed ku joogay dalka Yeman, xiriir dhowna la lahaa Cali Cabdalla Saalax, Madaxweynihii dhowaan xilka laga qaaday.

Kornayl Cabdullaahi Yuusuf in muddo ah wuu xanuunsanaa, isagoo  sannadkii 1996 beerka ka beddelay (Organ transplant) isbitaal ku yaal dalka Britain. Sidaas darteed, wuxuu ahaa qof ka mid ah dadka ugu cimriga dheer, marka beer la beddelo.

Kornayl Cabdullaahi Yuusuf, hankiisii siyaasaadeed waxba kala beddelin in ‘beer beddel’ lagu sameeyey, waxaana la oran karaa xilligaas wixii ka dambeeyey ayuu soo maray duruufihii ugu adkaa ee siyaasadda. Wuxuu ka badbaaday weerar ismiidaamin ah oo lagu dili lahaa, magaalada Baydhabo, walaakiisna isla weerarkaas ayaa lagu dilay.

 Wuxuu u halgamay in uu madaxweyne ka ahaado Maamul Gobleedka Puntland oo uu kula dagaallamay Jaamac Cali Jaamac. Wuxuu ka soo qaybgalay dagaalladii lagula dagaalamy Ururadii Al-itaaxad iyo Maxkamadihii Islaamiga ahaa, wuxuuna u soo loollamay sidii uu xilka madaxtinimo ku imaan lahaa, intii lagu jiray shirkii dib u heshiisiinta ee Kenya ka socday 2002-2004. 

Jagadaas gaaristeed (Madaxweyne), Kornayl Cabdullaahi Yuusuf dhibaato weyn buu ka soo maray, isaguna ku geystay.  

9kii April 1978, isaga iyo saraakiil ka tirsanaa Xooggii Dalka ayaa incilaab ka fashilmay, ay xukunka kala wareegi laayeen Taliskii Maxamed Siyaad Barre, ka dibna Cabdullaahi Yuusuf iyo saraakiil la socotay waxay galeen Itoobiya oo xilligaas Col. Mingiste Xayle Marayn hoggaaminayey, dagaalna kula jiray Soomaaliya iyo Jabhaddii Somali Galbeed (Western Somali Liberation Front ‘WSLF).

Gelitaanka saraakiil Soomaaliyeed oo maalmo ka hor hoggaansanayey cutubyadii Ciidanka Itoobiya ku jebinayey dagaalkii la isaga soo horjeeday, Taliska Mingiste Xayle Maryam waxay u ahayd fursad taariikhi ah.

Taas ayaa noqonayasa wixii ugu weyn oo lagu xusuusan doono Kornayl Cabdullaahi Yuusuf, waa aasaasiddii Jabhad hubeysan, qaab qabiil u abaabulan (SSDF) oo weerar ka soo qaadaysa gudaha dalka Itoobiya, soona weeraraysa Soomaaliya!.

Kornayl Cabdullaahi Yuusuf, markii dambe waxaa xiray Mingiste Xayle Maryan, isagoo xabsigaas ku jiray muddo dhan lix (6) sano, horena wuxuu u soo maray xabsi Taliskii Maxamed Siyaad ku hayeyn waqti dhan 6-sano. Labada Talis midna Maxkamad sooma taagin, dambina kuma soo oogin Cabdullaahi Yuusuf.

Kornaylku wuxuu ahaa sarkaal ciidan ahaan u diyaarsan, tababaro iyo takhasusyo ciidan ku soo kala qaatay dalka Talyaaniga iyo dalkii Midowga Sofeeti lagu magacaabi jiray - USSR.

Wuxuu ka tegay xaas iyo afar Caruur ah.

Wargeyska Kasmo

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text