Home | Warar | Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo: Masuuliyadda Ansixinta Dastuurka?

Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo: Masuuliyadda Ansixinta Dastuurka?

image

Faallo Wargeyska Kasmo: Masuuliyadda Ansixinta Dastuurka?

 

Federaal, Dastuur ansixin, Roadmap iyo  ka bixid dawlad KM ah ... Erayadani waxay u muuqdaan kuwo si siloon loo adeegsado!.

 

Soomaaliya waxaa qarka loo saaran yahay in la diyaarinayo Maamul beeleedyo federaal ahi oo dagaal sokeeye ku dhex mari doono xuduud- beeleed Federaal ah!.

 

Weliba, waxaa taas soo dedejin doona Dastuurka Cusub oo maalmahan laga hadlo in 1000-qof oo meel la isugu keenay, ansixin doonto!.

 

Sidaas sahlan oo madaxda Soomaaliya ee xilligan ay ugu degdegayaan arrin sidaas u culus oo aayaha dadka Soomaaliyeed si qoddo-dheer u taabanaysa.

 

Arrintaas lafteeda ayaa qiimaha iyo ahamiyadda Dastuurka cusub hoos u dhigaysa, waxaana la gudboon masuuliyiintaas in ay ka joogsadaan, oo ayan dhicisayn Dastuur Soomaaliya yeelato.

 

Dastuur ansixintu waa masuuliyad weyn, mana aha wax koox yari go'aan ka qaadan karto, oggolaan karto/ ama diidi karto Dastuurka dalku yeelanayo, dagaalka sokeeye ka dib!.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Cabdiweli Gaaswaxaa marka hore la gudboon in ay raacaan Axdiga KMG ah ee hey'adaha TFG-du ku dhisan yihiin.

 

Baarlamaanka iyo TFG-du oo ku dhisan Axdiga KMG ah waxay ahaayeen hey'adaha keliya oo, tabartoodu wax kasta ha noqotee, Soomaali isku darsatay, kuna qaybsatay oo ku yimid habka 4.5.

 

In kastoo TFGdu, tan iyo abuurankeedii ayan wax fiican qaban, haddana inta wax la wada leeyahay oo kale looga guurayo, hey'adaha sharciga ah oo jira waa baarlamaanka iyo TFG-da.

 

Garowe1 iyo Garowe2 midkooda ma ahayn shir Soomaalidu isku darsatay. Wuxuu shir Soomaaliyeed noqon lahaa marka la horgeeyo Golaha Baarlamaanka.  Laakiin xukuumaddu waa ku guuldaraysatay in ay Baarlamaanka hor-dhigto wixii garowe lagu soo go'aamiyey. 

 

Markaas, waxaa su'aal xaq ahi noqonaysaa, qoonka Axdigii KMG ahaa raaci waayey, sidee loogu aamini karaaa masuuliyadda Dastuurka cusub ee Soomaaliya yeelanayso?!. 

Faallo ku soo baxday Kasmo, 22 Maarso 2012

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text