Geerida Abwaan Xasan Jacayl oo Tacsi looga fadhiyo
Wargeyska Kasmo: Geerida Abwaan Xasan Jacayl oo Tacsi looga fadhiyo
Abwaan Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Jacayl), wuxuu in muddo ah la xanuunsanaa cudurka Sokorowga (Diabet).
Maalintii Isniinta ee ay taariikhdu ahayd 19ka bishan Maarso 2012, waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Xassan Jacayl oo in muddo ah ku xanuunsanaa dalkaas.
Bilowgii 70-meeyadii ayuu fanka ku soo biiray , sideetameeyadiina wuxuu bilaabay inuu sameeyo heesha.
Waxaa jira heeso fara badan, oo Xassan Jacayl uu leeyahay oo ay qaadaan, fanaan uu ka mid yahay, Cabdiqaadir Juba.
Xasan Jacayl, waxaa kaloo lagu xasuustaa heeso wadamni ah oo ay ka mid ahayd hees uu isaga laftirkiisa qaaday, oo la yiraahdo Ma ogoli Adoonsiga.
Marxuumka ka sakow inuu ahaa abwaan, waxaa kale oo uu ahaa weriye ka soo shaqeeyay idaacadii Hornafrik.
Waxaa sidoo kale uu maqaallo sheekooyin jacayl ah ku qori jiray wargeyskii Qaran.
Marxuumka waxaa uu ku dhashay Magaalada Dhuusa-mareeb. ee gobolka Gal-Gaduud sannadka markuu ahaa 1962, waxuu jiray 48-sano.
Samir iyo iimaan, isagana Janadii Firdowsa ahayd.




