Home | Warar | Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo 'London waa umushay!'

Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo 'London waa umushay!'

image London Conferencei

Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo 'London waa umushay!'

Shirkii London muddo foolanaysey, ugu dambeys waa qabsoomay.  Waxaa lagu soo gunaanaday war-murtiyeed lagu xusayo wixii shirka looga hadlay iyo go'aamadii ka soo qayb-galayaashu ku heshiiyeen, ay ku jiraan, sida:-  

In Asabaab/Al-qaadia lala dagaallamo, 

In burcadbadeedda la suuliyo,

In hanaanka siyaasadda la wado -TFG dhamaato,

In AMISOM la kordhiyo awoodeeda,

In arrimaha bini aadanimada iyo horumarka wax laga qabto. 

Laakiin, sida muuqata, shirka London wuxuu ku dhex milmay, marka dhinaca Soomalida laga eegayo, shirkii dhowaan Garowe ka dhacay oo xubnihii saxiixay Garowe2 ay iyagoo kankoosan ku soo biireen shirka London. 

Waxaa ku jira Afhayeenka Baarlamaankiisii xilka bilo ka hor ka qaaday, welina sheegta in uu yahay Afhayeen Baarlamaan, sidaasna Garowe2 uga soo qaybglay, soo saxiixay, shirka Londonna ku yimid!. 

Cabdiweli Gaas Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda KMG ah, marna fursad ma siin in Baarlamaanka Soomaaliyeed ka doodaan, oo ansixiyaan dadaalka xukuumaddiisu waddo ee Roadmap-ka!. 

Baarlamaanka iyo TFG-du oo ku dhisan Axdiga KMG ah waxay ahaayeen hey'adaha keliya, oo tabartoodu wax kasta ha noqotee, Soomaali isku darsatay, kuna qaybsatay oo ku yimid habka 4.5. 

In kastoo tan iyo 2004, markii TFGda la abuuray, ayan wax fiican qaban, haddana inta wax la wada leeyahay oo kale looga guurayo, heyadaha sharciga ah oo jira waa baarlamaanka iyo TFG-da. 

Garowe2 ma aha shir Soomaalidu isku darsatay. Wuxuu shir Soomaaliyeed noqon lahaa marka la horgeeyo Golaha Baarlamaanka. Laakiin xukuumadda Cabdiwel Gaas way ku fashilantay in ay masuuliyaddaas gudato.   

Intaa taasi maqan tahay, waxay noqonaysaa in Soomaalidu doonayso in ay dhibaatadeeda ku xaliso 'Roadmap' tusa jid qaloocan!.

 

 Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo, 23kii Febraayo 2012

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text