Home | Warar | Madaxweynayaasha Soomaaliya oo ku wajahan Madasha Shirka

Madaxweynayaasha Soomaaliya oo ku wajahan Madasha Shirka

image Cartoon AminAmir

Madaxweynayaasha Soomaaliya oo ku wajahan Madasha Shirka!

Dalka Soomaaliya waxa lagu tilmaami karaa dal ay dakiisu aad u nasiib daranyihiin. Tilmaamaha iyo naaneysaha uu ku caan baxay waxa ka mid ah; dal noloshii ka dhacay oo fashilmay, iyo aafooyin kale oo aan dunidu la qabin sida; Budhcad badeed, Argagixiso diineed, macaluul joogto ah, hogaan xumo iyo kala qaybsanaan siyaasadeed.

Haddii berigii hore mushkilada soomalidu ay iyaga oo keliya ku koobnayd, maanta waxa ay ka talowday xuduudaha dhow iyo kuwa fogba, bad iyo berri dhibaatadii waa ay gaadhay. Sidaa awgeed ayaa mar kale caalamku isku deyayaa in bal laga wada hadlo sidii dhibataadaa loo hakin lahaa ama loogu koobi lahaa gudaha dalka soomaliya oo keliya.

Dawlada ingiriiska ayaa markii ugu horeysay marti gelinaysa Shir weyne lagaga wada hadlayo arimaha soomaliya, sida ay tilmaameen mas’uuilyiinta dalka ingiriisku waxa ugu mudan ee laga hadli doono, una baahan in wax laga qabto waxa ka mid ah; Budhcad badeeda iyo Argagixisada ku xoogaysanaysa koonfurta Soomaaliya.!

Marka laga reebo ergada kala duwan ee caalamka ka imanaysa waxa kale oo shirkan lagu marti qaaday dhinaca soomaalida: Dawlada ku meelgaarka (TFG), Puntland, Galmudug, urur diimeedka loo yaqaan Ahlu-sunna Wal Jamaaca iyo Somaliland oo aan hore uga qayb geli jirin jirin shirarkii hore oo soomlida loo qaban jirey.

Hadaba waxa is weydiin leh ma yihiin, kooxaha kor ku xusani kuwa keliya ee meteli kara qaybaha kala duwan ee soomaalida oo dhan?! Mise waa intii lagu khasbanaa in loo yeero?!.

Sida la ogyahay waxa jira, wax garad fara badan oo ku sugan dunida daafeheeda iyo dalka gudihiisaba, kuwaas oo aan fursad loo siin in ay wax ka yiraahdaan ama talo ku darsadaan arimaha soomaaliya.

Sidoo kale waxa jira maamul goboleedyo fara badan oo beryahan danbe samaysmay, inkasta oo ay noqdeen moodo laga daba dhacay, hadana badankooda lama xusin, laguma casumin shirka ka dhacaya London. Arimahaasina waxa ay ku tusaysaa, in inbadan oo soomalida lafteeda ahi aanay dhab ka ahyn xal raadis ee xaalku yahay gurdan raac, una badan yihiin dad aan han sare iyo hiyiin siyaasadeed midna lahayn.

Dunida dhibaatooyinku siyaasadeed ka dhacaan waxa u jilib dhiga oo wajaha waxgaradka iyo aqoonyahanka aan dan kale lahyn. Sidaa ayeyna ummad waliba kaga gudubtaa dhibaatooyinka nolosha ee soo noqnoqda.

Hadaba waxa la is weydiin karaa maxa ka hortaagan wax garadka iyo aqoonyahanka soomalida inta ay is doontaan ay baadi doonaan xalkii dalkoodan cakiran mudada dheer, una hagar baxaan si ay u helaan wado dhab (Road map) ah oo ay ku samata bixiyaan inta hartay ummadooda.

Ma waxa keliya oo ay sugayaan in shirar caalami ah loogu qabto caasimado shisheeye! oo danohooda kala daadsan isugu hagaajiyo?!

Maamulada jira iyo madaxda looga yeedhay shirka London uma muuqdaan kuwii soomaliya ka saari lahaa xilligan adag, in kasta oo ay diirka soomali madow kawada yihiin, astaamo kala duwan iyo calamo kala jaad ahna wataan, hadana waxa la oran karaa tiradoodu wax tayo ah ma laha. Waxana ay ka dhigan yihiin maah maahdii soomaaliyeed ee ahay:

‘Xeradaydu waa wada ul, oo ul la qaato ma leh’.

W/Q: Faarax. X. Maxamed

 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text