Home | Warar | Shirka London ee Soomaaliya oo la soo gabagabeeyey iyo go'aamo la gaaray

Shirka London ee Soomaaliya oo la soo gabagabeeyey iyo go'aamo la gaaray

image Cadadkii soo baxay 23Feb

Wargeyska Kasmo oo si weyn wax uga qoray dhacdadii Shirka London

Shirkii London ee Soomaaliya in muddo ah Dawladda Britain abaabulkiisa ku jirtay ayaa aqalka Lancaster House ka furmay, gelinkii hore khamiista, 23 Febraayo 2012, iyadoo ay ka soo qaybgaleen ilaa 50 dal iyo ururo gobol iyo kuwo caalami ah. 

David Cameron oo lahaa hindisaha qabshada kulankan, wuxuu ku guuleystay in uu shirkii London noqdo dhacdo weyn oo caalami ah, indhaha adduunkana ku soo jeediyo dalkaas ay guuldarradu ku dhacday, Al-qaacidana gacanta u galay.  

Ra'iisal wasaaraha Britain, David Cameron oo dhamaadkii shirka kadib hadlay, wuxuu sheegay in heshiis laga gaaray arrimo muhiim oo ay ka mid yihiin nabadgelyada, Siyaasadda, la dagaallanka burcad badeedda iyo gargaarka bani'aadanimada.

David Cameron waxaa uu sheegay in aan la dhayalsan karin muhiimadda ay leedahay Soomaaliya oo hesha hab siyaasadeed oo xasilloon.  

Shir jaraa'id oo ay wadajir u qabteen Ra'iisal wasaaraha Britain David Cameron, Xoghahay Arrimaha Dibeda Maraykanka Hillary Clinton, Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika, waxayna weriyayaashu  halkaas su'aalo ku weyddiinayeen masuuliiintaas.

Wargeyska Kasmo ee soo baxay khamiis 23Febraayo 2012 ayaa si weyn loogu soo bandhigay wararka Shirka, muuqaallada iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay dhamaadkii Shirka.

Kasmo London

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text