Home | Warar | Ciidanka Xooga Dalka oo gacanta ku dhigay Baydhabo

Ciidanka Xooga Dalka oo gacanta ku dhigay Baydhabo

image Taliyaha Ciidanka Xooga dalka

Alshabaab oo laga saaray Baydhabo maanta.


 
 
Ciidanka Xooga dalka ayaa maanta gacanta ku dhigay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Bay. Dagaal aan iska caabin lahayn ayaa alshabab lagaga qabtay Baydhabo.
 
Ciidanka Xooga Dalka ayaa wada weeraro dagaal oo lagu doonayo in Alshabab lagaga sifeeyo gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya, waxaana dagaalka maanta qeyb ka ahaa weeraro si joogta ah loogu qaaadayey ururka Alshabaab bilihii u danbeeyey gaar ahaan deegaanada Hiiraan, Jubbooyinka iyo Gobolka Banaadir.
 
Guulaha ay gaarayaan ciidanka xooga dalka ayaa u muuqda kuwa baritaaraya road-mapka, iyadoo amnigu yahay qeybta ugu muhiimsan roadmapka.
 
Ciidanka Xooga dalka ayaa u muuqda mid tayadiisu sii kordheyso maalinba maalinta ka danbeysa, waxayna jirritaankiisa iyo guulaha uu gaarayaba saldhig u yihiin rajada qaranimo Soomaaliyeed oo dib loo arko.
 
 
Kasmo Online
Nairobi, Kenya. 
 
 
  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text