Home | Warar | Agaasimihii Idaacadda Shabelle oo lagu aasay Muqdisho iyo dilkiisii oo ayan weli cidi sheegan

Agaasimihii Idaacadda Shabelle oo lagu aasay Muqdisho iyo dilkiisii oo ayan weli cidi sheegan

image

Meydkii Xasan Fantaastik Agaasimihii Idaacada iyo TV Shabelle oo la aasay

Muqdisho: 29kii Janaayo ayaa Magaalada Muqdisho waxa lagu aaskay Allaha u naxariistee Agaasimihii Idaacadda iyo Tv-ga Shabelle Xasan Cismaan Cabdi (Xasan Fantastic) kaasi oo shalay kooxo hubaysan ay ku dileen hoy uu ka daganaa Xaafadda Nasteexo degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Aaska Marxuumka waxaa ka qeyb galay Siyaasiyiin, Culumaa’udiin, waxgarad, Bahda Saxaafadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo si weyn ugu naxay dilkii Agaasimihii Idaacadda iyo Tv-ga Shabelle.

Meydka Xasan Cismaan Cabdi (Xasan Fantastic) waxa laga qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu aasay Qabuuraha (BAQDAAD) ee duleedka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Galabnimadii 28 Janaayo ayaa Weriyaha rag  ku hubeysnaa bastoolado ku dileen xaafadda Nasteexo ee Degmada Wadajir, xili uu ka soo noqday shaqada, mana jirto cid sheegatay in ay iyadu ka dambeysay shirqoolka lagu dilay.

Kasmo Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text