Home | Warar | Warbixinta dagaaladii ka dhacay Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb

Warbixinta dagaaladii ka dhacay Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb

image Magaalada Caabudwaaq

Warbixinta dagaaladii ka dhacay Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb

Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud e Bartamaha Soomaaliya waxaa ka dhacay dagaal, labada magaalo, midba gooni ahaanteed.

Maalintii sabtida, 17 December, waxaa gelinkii dambe dagaal ka dhacay gudaha magaalada Caabudwaaq. Dagaalkaas oo taariikhda ku galay in uu ahaa dagaal gudaha Caabudwaaq laba maliishiyo ku dhex mara muddo dheer ee Soomaaliya dagaalka sokeeye ku jirtay.

Caabudwaaq waxay ahayd magaalo ka nabad-gashay in gudaheeda uu dagaal sokeeye ka dhaco. Hase ahaatee, haba koobnaadee, Caabudwaaq waxay la kulantay in ay ka bilaabato ciidamo ka soo kala jeeda laba kooxood, waa Ehlu Sunna iyo nin Xildhibaan ah oo ka tirsan Baarlamaanka khilaafku hareeyey ee xaruntiisu tahay Muqdisho!.

Xildhibaankaas oo lagu magacaabo Cabdi Sacdi wuxuu in muddo ah ku sugnaa gudaha magaalada Caabudwaaq, waxaana joogitaankiisa qoonsaday Maamulka Ehlu Sunna wa Jamaaca oo maamula qaar ka mid ah magaalooyinka gobollada Dhexe oo Caabudwaaq ka mid tahay.

Xildhibaan Cabdi Sacdi oo oo Caabduwaaq ay magaaladiisii tahay, sababta ay Ehlu Sunna u qoonsatay weli war sugan lagama hayo, waxaase jira warbixin oo hordhac ah oo sheegaya in Xildhibaanku abaabullo siyaasadeed, dhaqdhaqaayo iyo abaabul ciidamo isaga taargeersan uu meesha ka waday.

Xiisad abuurantay iyo Ehlu Sunna oo weerartay.

Markaas ka dib, Ehlu Sunna waxay Xildhibaanka ku amartay in uu magaalada isaga baxo, markii uu ka dhigo adaygana, 17kii ayey saldhiggiisii weerartay, waxaana dagaalkaas ku dhintay ugu yaraan shan qof, waxaana jira dhaawacyo labada dhinac ah.

 Dagaalkaasi wuxuu noqday dagaalkii ugu horreeyey oo Caabudwaaq gudaheeda rasaas la isku rido, laba maliishiyo oo aag kala fadhiya, ku dhex mara weligeed!.

Weli magaalada Isgaarsiintii waa ka go'an tahay, badankeed waxaa gacanta ku haya Maliishiyada Ahlu Sunna, kuwii Xildhibaankuna magaalada geeyskeeda ayey joogaan, waxana socda dadaal waxgarad iyo odayaal, in xiisaddu ay halkaas ku egaato, caqli la adeegsado, qof dambe uusan macno yarida heerkan ah ku dhiman!.

Dagaalka Dhuusamareeb

Intii xiisadda Caabudwaaq ay socotay, waxaa weerar ku qaaday oo weliba muddo kooban qabsaday Ururka Ashabaab, maalintii Axadda ee 18ka December 2011. Weerarkaas oo faahfaahinta waxyeeladiisa uusan weli si fiican u soo bixin, Shabaabku guul ayey ka sheegteen iyo in ay iyagu iskood uga baxeen Dhuusamareeb markii ay gaareen hadafkii ay weerarka u qaadeen. Laakiin Ehlu Sunna waxay sheeegtay in xoog lagu muquuniyey oo weerarka Ashabaab la iska caabiyey.

Hase ahaatee, in kastoo ayan magaalada Dhuusamareeb wax cusub ku ahayn in uu ku yimaado weerar ay soo qaadaan ururka Ashabaab, gudaha magaaladana waqti kooban ku sugnaadaan, haddana dagaalkan ugu dambeeyey, waxaa laga yaabaa, in uu u sahlay Xiisadda dhanka Caabudwaaq uga furan Ehlu Sunna.

Kasmo, Gobollada Dhexe

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text