Home | Warar | Dayuurad sidday R/W Nuur-Cadde oo nabadgalyo ku caga-dhigatay G.Muqdisha

Dayuurad sidday R/W Nuur-Cadde oo nabadgalyo ku caga-dhigatay G.Muqdisha

image G.D.Muqdisha

Dayuurad sidday R/Wasaare Nuur-Cadde iyo wafdigiisa oo si nabadgalyo ah uga soo degatay, ugana duushay G.Dayuuradaha ee Muqdisha...

Wararka ka imanaya Muqdisha ayaa sheegaya in saakay subaxnimadii hore ay Dayuurad sidday R/W Nuur-Cadde iyo Wafdigiisa ay si nabadgalyo ah uga soo degatay G.Dayuuradaha ee Muqdisha.

Si nabadgalyo ah ayay ku soo degatay Dayuuradda, isla markaasna si nabadgalyo ah ayay dib ugu kacday oo u laabatay, mana jiraan wax Madaafiic ama duqeyn ah oo ay la kulantay.

Maalmihii dhowaa ee la soo dhaafay ayay Dayuurado ka soo degay Gegida Dayuuradaha la kulmeen Duqayn, taas oo ay Ciidamada AMISOM-na kaga jawaabeen Madaafiic rogaal-celin ahaa, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur ku yimid deegaanno Muqdisha ka mid ah.

R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen(Nuur-Cadde) oo haatan ku sugan Muqdisha, ayaa waxaa uu ka soo laabtay Wareeggii 3-aad ee wada-hadalka DFKMG ah iyo Isbahaysiga, waxaana la filayaa in uu qabto shir-jaraa'id oo uu wada-hadalkaas iyo arrimo kale kaga hadli doono.

Dib u soo laabashada R/Wasaare Nuur-Cadde ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab xannibaad ku soo rogeen G.Dayuuradaha iyo dhibaatooyinkii arrinkaas ka dhashay oo weli taagan.

Kaalmoy, Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text