Home | Warar | Duulaanka Kenya iyo 9 Magaalo oo hor leh!

Duulaanka Kenya iyo 9 Magaalo oo hor leh!

image Front page Kasmo

Duulaanka Kenya iyo 9 Magaalo oo hor leh!

Ciidankii Kenya ee galay gudaha Soomaaliya ayaa weli dhiiladiisu taagan tahay. Magaalada Jilib, weerar Ciidanka Cirka ee Kenya ku qaadeen, 30kii Oktoobar 2011 waxaa duqeyn lagu dilay ugu yaraan 11qof, waxaana dhaawac ah ilaa 50 kale.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah, dhamaantood waxay ahaayeen barakacayaal gudaha magaalada raashin loogu qaybinayey!.

Kenya waxay weerarkaas ku tilmaantay in ay ku xasuuqday saraakiishii Ashabaab. Hase ahaatee taqaatiirta aan xuduudda lahayn (Doctors without Borders) oo halkaas ka howlgelyey, waxay sheegeen in waxa meesha ku dhamaaday ay ahaayeen dadweyne ku soo qaxay gudaha Jilib.

Maalinta Ciidamada Kenya ay duqaynayaan magaalada Jilib, Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo waxay marti u ahaayeen Nairobi. Taas oo hubaal ayan Dawladda Kenya si il-duuf ah ugu dhicin, in ay dhinacna ka weerarto magaalooyin Soomaaliyeed, oo daadiso dhiig dad shacab ah, dhinacna marti-gelinayso madax ka socota Dawladda KMG ah ee Soomaaliya, weliba heer Ra’iisal Wasaare!.

Waxay u muuqataa in dhiigaas bara-kacayaasha Jilib loogu waq-dhaacayey, si loo hubiyo inta Maamulka Madaxweyne Shariif ganafka ku dhufan karo faro-gelinta qaawan ee Dawladda Kenya ku gashay Soomaaliya!.

Weliba intaas kuma harine, Saraakiisha Kenya waxay sheegeen in ay weerarayaan sagaal magaalo oo hor leh, ay ka mid yihiin magaalooyinka: Baydhabo, Bardheere, Dinsoor, Afgoye, Bu’aale, Baraawe, Jilib, Kismaayo iyo Afmadow!.

Baarlamaanka Soomaaliya arrinta soo gelitaanka ciidamada Kenya, weli kama doodin, mana ansixin in dalka ay soo geli karaan ciidamada Kenya.

Markaas, waxaa su’aal noqonaysa ayaa awood u leh oo ansixin kara in Ciidamada Kenya si sharci ah ku yimaadeen dalka madaxbanaan ee Soomaaliya?.

Warbixin uu daabacay Wargeyska Kasmo, 3dii Oktoobar 2011

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text