Home | Warar | Faallo: Maxaa loo debaal-degay?

Faallo: Maxaa loo debaal-degay?

image

Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo 'Maxaa loo debaal-degay?'

1dii Luulyo 2011 waxay ku beegnayd 51-guuradii ka soo wareegtay markii dalku xornimada ka qaatey gumeysigii Britain iyo kii Talyaaniga, isla markaasna midoobeen labadii gobol ee ay kala gumeysanayeen.

Hase ahaatee 51 sano ka dib waa mudan tahay in la isweyddiiyo: Soomaaliya hadda ma xorbaa, mise gumeysi ayey ku jirtaa?

Aan xusuusta dib ugu celinno maalintii Cabdullaahi Sulddaan Timacadde lahaa: "Sareeyow ma nuqsaamow, aan siduu yahay eegnee, kaana siib, kanna saar".

Kaas la siibayo wuxuu ahaa calankii reer Yurub ee doolka iyo gumeysi-doonka ku yimid, kan la saarayona wuxuu ahaa kan Qaranka Soomaaliya ee riixay kii cadowga.

Waqtigaas oo ay iminka ka soo wareegtay 51 sano, ayaa London iyo meelo kaleba laga xusay. Laakiin maxay maalintu qiimo leedahay, haddii Qarankii xoroobay uusan jirin, haddii midnimadii ayan jirin. Haddii malaayiin Soomaali ahi guryahoodii qaxooti ka yihiin, haddii, haddiii…..

Soomaalidu iyadoo si foolxun oo aradan ag xoonsan deriska, beelona u kala fadhida, waxay gudaha Nairobi iyo magaalooyinka kale ee gobolka dhexdooda kaga muransan yihiin qaybsiga waxa ay ugu yeeraan "Wasiiro iyo jagooyin dowladeed .

Ma jirto sabab Soomaalidu ugu naalooto maalmo xusuus lahaa oo geesiyaal in yari ka nool yihiin abuureen.

Waxay ahayd sababtii loo halgamay in la caymiyo (badbaadiyo). Maalintu iyada maaha mid ka duwan maalmaha kale. Waxay uga duwan tahay oo keliya Qarankii ku xoroobay maalintaas jiritaankiisa.

Marka haddiiba ay taagan tahay in Soomaaliya taariikhda ku gashay ahaanta dal Geeska Afrika ka jiray, kowda Luulyo oo la xuso, astaan uma aha in la milgeeyey calankii Soomaaliya!

In 1da Luulyo loo debaal-dego waxaa ka muhiimsan in loo halgamo soo celinta Qaran Soomaaliyeed!.

Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text